Asmara, Sebtembar 06, 2018:
Iyada oo la tixgelinayo in dadyowga Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya ay wadaagaan deegaan, taariikh, dhaqan, diin iyo danno muhiim ah;
Iyada oo la qaddarinayo madaxbannaanida dowladeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee wadanka kasta;
Iyaga oo xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah si ay u gaaraan yoolkooda sare;
Dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay gaareen heshiiska soo socda oo ka tarjumaya himilooyinka shucuubtooda:-
- Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaarista yoolka shucuubtooda.
- Saddexda waddan waxay abuurayaan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.
- Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.
- Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.
–DHAMMAAD–