Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Galmudug oo guda galay sameynta guddi hoosaadyada baarlamaankaasi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka Galmudug oo ansixyay Dasturka maamulkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta guda galay sameynta gudi hoosaadyada Baarlamaanka, kaddib markii 1-dkii bishan ay meel mariyeen xeer hoosaadka barlamaanka Galmudug uu ku shaqeynayo.

Kulanka Baarlamanka maanta oo ay soo xaadireen 52-Xildhibaan ayaa Xildhibaanada loogu qaybiyay qaab dhismeedka gudiyada iyo waajibaadka gudi walba loo xilsaaray, iyagoo isku afgartay in gudiyada la sameynayo ay ka koobnaan doonaan sagaal guddi.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha golaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ka hadlay gudiyada 9-ka ah ayaa tilmaamay in sagaalka guddi ay kala yihiin.

1-Guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa

2- Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha gudaha

3- Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta

4- Guddiga arrimaha bulshada

5- Guddiga Beeraha, Kheyraadka iyo Bii’ada

6- Guddiga dhaqaalaha iyo maaliyadda

7-Guddiga wadooyinka, Dekadaha iyo howlaha guud

8- Guddiga xuquuqul insaanka, Haweenka iyo arrimaha beni’aadanimada

9- Guddiga xuduudaha iyo amniga.

Sidoo kale isla maanta ayaa Xildhibaanada loo qaybiyay warqadda ay ku soo dalbanayaan ka mid noqoshada gudiyadaas la samaynayo, kaas oo Xildhibaanka doonaya inuu gudiyadan ka mid noqdo uu ku kala xulanayo.

“Waxaan qaybinay warqadda xulashada gudiyada, waxaa nagu soo fool leh inaan samayno gudiyadii, sidaas darteed waxaan qaybinay warqadii Xildhibaanku uu ku kala dooran lahaa, gudiga uu danaynayo aqoona u leeyahay, wuxuu ku soo lifaaqayaa shahaadadiisa iyo taariikh nololeedkiisa meeshaas ayaa lagu salaynayaa qof walba gudigii uu ku biiri karo, dad sharciyada bartay baa ka mid ah, iyo dad heerarka kala duwan ee Jaamacadda ka baxay, marka waa la isku fiirin doonaa aqoonta iyo waaya aragnimada”ayuu yiri Guddoomiye Gacal.

Todobaadka soo socoda ayaa qorshuhu yahay in la dhamaystiro samaynta gudiyadan, si ay uga hawl bilaabaan waajibaadka horyaalla.

 

Previous Post

Haween la baray casharo la xiriira culuumta shareecada Islaamka

Next Post

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda oo bur buriyay baro ay si dhuumaleysi ah u sameysteen Shabaab

Next Post
Howlgallo amniga lagu sugayo oo xalay laga sameeyay Degmada Hodan

Ciidanka Hay'adda Nabad sugidda oo bur buriyay baro ay si dhuumaleysi ah u sameysteen Shabaab

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In