Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda 10-aad ee wadajirka ah waxaana shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ku-xigeennada labada aqal.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta Hindisaha sharciyeedka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaannada la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi kadib Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday xeerkan ayaa waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aya dhawaanahan waday ka doodista Xeerarka doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda, taas oo muhiim u ah in dalka ay ka dhacdco doorsho qof iyo cod ah.

Previous Post

Duqa Gaalkacyo oo ka qeyb galay ololaha dardargelinta Nadaafadda iyo sare u qaadista Bilicda Magaalada

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii ka dhacay Hotelka Agan

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii ka dhacay Hotelka Agan

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii ka dhacay Hotelka Agan

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In