Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya iyo Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa dood kulul oo ay kaga hadleen derbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduudda Soomaaliya, waxaana dooda Mudaneyaasha Baarlamaanku guntooda ay aheyd in xal sharci ah oo siyaasadeysan loo helo joojinta dhismaha derbigan oo gudaha u soo galay Xuduudda Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa muujiyey dareen ku aadan in arintan ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, isla markaana damacu yahay badda, isagoo Golaha Shacabkana xasuusiyey go’aanka Baarlamaankii KMG-ka ahaa uu ku diiday heshiiskii dhanka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa doodooda waxa ay ku muujinayeen aragtida uu Xildhibaan kasta ka qabo in loo wajaho sidii lagu joojin lahaa derbiga ah Kenya ka dhiseyso Xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto, waxaase Mudaneyaashu intooda badan soo jeedinayeen in loo yeero Wasiirrada howshan qaabilsan oo ay ugu horeeyaan arrimaha dibadda iyo gudaha, waxaase Xildhibaannadu ka sinnaayeen dareenka in aan la aqbali karin arintan.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo isna Mudaneyaasha Baarlamaanka ka tirsan ayaa muujiyey aragti ka duwan mida Xildhibaannada oo ah ineysan dowladda Kenya la heyn eedda loo jeedinayo oo ay eedda leeyihiin hay’adaha Dowladda ee jira oo Baarlamaanka uu ugu horeeyo maadaama aysan la xisaabtamin buu yiri laamaha ku shaqada leh arrintan.

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka Baarlamaanka ee maanta shir guddoominayey ayaa gebagebadii Xildhibaannada xasuusiyey awoodda la xisaabtanka ee ay leeyihiin oo ah iney u yeertaan Wasiirrada ku shaqada leh oo ay su’aallo ka weeydiiyaan hadii lagu qanci waayo jawaabaha ay bixiyeenna, Ra’isulwasaaraha ay u gudbin karaan inaan lagu qancin jawaabaha Wasiirrada sidaasi darteedna xilkooda dib u eegis lagu sameeyo, geesta kalena waxa uu xusay in maalinnimada berrito ah arintan ay shir ka yeelan doonaan Guddoonka Baarlamaanka, guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee Baarlamaanka.

20-ka bishii June ee sanadkan 2015 ayey sidan oo kale Xildhibaannada Baarlamaanku dood kulul uga yeesheen, isla arintan ku aadan derbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana xiligaasi jiray qaraar uu Baarlamaanku ku diiday arintaasi waloow ay muuqato inuusan qaraarkaasi meel marin maadaama xiisadda derbiga weli jirto,lamana oga doodda Baarlamaanka ee maanta waxa ay ka bedeli karto derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda.

Previous Post

Roobab waxyeeleeyay wadooyinka oo ka da’ay Galgaduud “SAWIRRO”

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka “SAWIRRO”

Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In