Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya iyo Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa dood kulul oo ay kaga hadleen derbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduudda Soomaaliya, waxaana dooda Mudaneyaasha Baarlamaanku guntooda ay aheyd in xal sharci ah oo siyaasadeysan loo helo joojinta dhismaha derbigan oo gudaha u soo galay Xuduudda Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa muujiyey dareen ku aadan in arintan ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, isla markaana damacu yahay badda, isagoo Golaha Shacabkana xasuusiyey go’aanka Baarlamaankii KMG-ka ahaa uu ku diiday heshiiskii dhanka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa doodooda waxa ay ku muujinayeen aragtida uu Xildhibaan kasta ka qabo in loo wajaho sidii lagu joojin lahaa derbiga ah Kenya ka dhiseyso Xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto, waxaase Mudaneyaashu intooda badan soo jeedinayeen in loo yeero Wasiirrada howshan qaabilsan oo ay ugu horeeyaan arrimaha dibadda iyo gudaha, waxaase Xildhibaannadu ka sinnaayeen dareenka in aan la aqbali karin arintan.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo isna Mudaneyaasha Baarlamaanka ka tirsan ayaa muujiyey aragti ka duwan mida Xildhibaannada oo ah ineysan dowladda Kenya la heyn eedda loo jeedinayo oo ay eedda leeyihiin hay’adaha Dowladda ee jira oo Baarlamaanka uu ugu horeeyo maadaama aysan la xisaabtamin buu yiri laamaha ku shaqada leh arrintan.

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka Baarlamaanka ee maanta shir guddoominayey ayaa gebagebadii Xildhibaannada xasuusiyey awoodda la xisaabtanka ee ay leeyihiin oo ah iney u yeertaan Wasiirrada ku shaqada leh oo ay su’aallo ka weeydiiyaan hadii lagu qanci waayo jawaabaha ay bixiyeenna, Ra’isulwasaaraha ay u gudbin karaan inaan lagu qancin jawaabaha Wasiirrada sidaasi darteedna xilkooda dib u eegis lagu sameeyo, geesta kalena waxa uu xusay in maalinnimada berrito ah arintan ay shir ka yeelan doonaan Guddoonka Baarlamaanka, guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee Baarlamaanka.

20-ka bishii June ee sanadkan 2015 ayey sidan oo kale Xildhibaannada Baarlamaanku dood kulul uga yeesheen, isla arintan ku aadan derbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana xiligaasi jiray qaraar uu Baarlamaanku ku diiday arintaasi waloow ay muuqato inuusan qaraarkaasi meel marin maadaama xiisadda derbiga weli jirto,lamana oga doodda Baarlamaanka ee maanta waxa ay ka bedeli karto derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda.

Previous Post

Roobab waxyeeleeyay wadooyinka oo ka da’ay Galgaduud “SAWIRRO”

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka “SAWIRRO”

Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In