Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Furitaanka kulanka Baarlamaanka waxaa Xildhibaannada warbixin ka dhageysteen guddoomiyaha guddiga Arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Dr Cusmaan Maxamuud Dufle, ayadoo warbixintaasina ay ka hadleysay waci gelinta Waxyeelada cudurka cagaarshowga.

Warbixintaasi kaddib waxaa Xildhibaannadu gudageleen ka doodista sharciga Isgaarsiinta Qaranka kadib markii guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka ay Xildhibaannada usoo celiyeen warbixintooda la xiriirta wax ka bedelkii iyo tallooyinkii lagu soo kordhiyey Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, waxaana Mudaneyaasha Baarlamaanku si wadajir ah uga mahad celiyeen guddiga Warfaafinta shaqada adag ee ay soo qabteen waxaana dhinaca kale ay soo jeediyeen tallooyin hor leh oo ay doonayaan in lagu daro sharcigan maraya marxaladihii ugu dambeeyey.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Gunta dooda Xildhibaannada Baarlamaanku waxey quseysay qodobbo dhowr ah oo kala ahaa sameynta hay’adda ama guddiga isgaarsiinta Qaranka, awoodaha guddiga ama hay’adda, in sharcigan laga talagelin shirkadaha isgaarsiinta ee hada jirta oo dalkan maalgelin ku sameeyey, in sidoo kale shirkadaha xubno ku yeeshaan guddiga ama hay’adda iyo in sharcigan lagu cadeeyo xuquuqda shaqaaleysiinta ee ay Haweenka Soomaaliyeed ku yeelanayaan shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shirka guddoominayey ayaa gebagebadii kulanka tilmaamay in dooda Xildhibaannadu ay aad u dheeraatay islamarkaana la dhameystiri doono maalinnimada berrito ah gelinka dambe maadaama ay Xildhibaannadu xaq u wada leeyihiin iney ra’yigooda dhiibtaan.

Dooda Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka waxaa isku qoray iney ka qeyb qaataan 46 Xildhibaan, kaliya 15 Mudane ayaa fikirkooda dhiibtay, waxaana haray 31 Xildhibaan oo iyagu ra’yigooda dhiiban doona gelinki dambe ee berry, waayo maalinnimada berrito ah waxaa Baarlamaanka hor imaan doonta si ay su’aallo Xildhibaannada uga jawaabto Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhismaha Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu heshiiyay

Next Post
Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO

Dhismaha Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu heshiiyay

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In