Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo gudagalay wax ka badalka sharciga maalgeshiga dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Baarlamaanka ee ay Xildhibaannadu ku gudagaleen wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shisheeye waxaa Golaha dib ugu soo celiyey Guddiga Dhaqaallaha, Warshadaha iyo Ganacsiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo iyagu sharcigan kasoo shaqeeyey, guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen oo Mudaneyaasha ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dhaqaallah dalka.

Xoghayaha guddiga Dhaqaalaha, Warshadaha iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Xuseen (Coonka) oo Xildhibaannada ka hor akhriyey wax ka bedelka sharcigan Maalgashiga Shisheeye ayaa qeexay sharcigan qodobbada uu ka kooban yahay iyo fursada maalgashi ee uu dalka u yeelan karo.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa gebagebadii tilmaamay in sharcigan oo ka mid ah sharciyada muhiimadda u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogana baahan yahay Xildhibaannadu iney soo akhristaan si loo gudagalo ka doodistiisa.

Sharciga maalgashiga shisheeye ee hadda Baarlamaanka u maraya marxalad ahaan akhrinta 2aad ayaa soo maray marxalado kala duwan, ayadoo sharciganna Baarlamaanka markii ugu horeysay la keenay 12kii June sanadkii 2013, balse ay dib ula laabteen golaha Wasiirada, waxaase dib hada loosoo celiyey 23kii June eee sanadkan 2015 sida ay guddoonka Golaha Shacabku qorsheeyeenna, waxaa sharcigan uu ku jiri doonaa sharuucda hortebinta leh ee la doonayo in la meel mariyo inta lagu guda jiro Kalfadhigan 7aad.

Previous Post

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray India “SAWIRRO”

Next Post

In ka badan 190 wadan oo ka soo horjeesatay cunaqabateynta saaran dalka Cuba

Next Post
In ka badan 190 wadan oo ka soo horjeesatay cunaqabateynta saaran dalka Cuba

In ka badan 190 wadan oo ka soo horjeesatay cunaqabateynta saaran dalka Cuba

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In