Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka dooday darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa ka doodey  Darbiga  la sheegay in dowladda  Kenya ka dhiseyso soohdinta laba dal iyo dib u soo saaridda shillinka Soomaaliga

Qodobka Koobaad ee ay XIldhibaannada Baarlamaanku ka hadleen ayaa ahaa qaraar Golaha Shacabka ku amrayo Xukuumadda iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya soo saaridda lacagta shilin Soomaaliga waxaana qaraarkaasi Xildhibaannada u akhriyey Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo isagu tilmaamay in Xukuumadda laga doonayo iney Bankiga Dhexe u fududeyso miisaaniyad lagu sameeyo lacagta Sh,so.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Akhrinta qaraarkaasi kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanku bilaabeen iney fikradahooda ka dhiibtaan sameynta lacag Sh,so iyo sidii loo howlgelin lahaa hase yeeshee aragtida XIldhibaannada markii ay dhiibteen kadib waxaa loo baahday in talooyinka Xildhibaannada lagu biiriyo qaraarka lasoo saari doono taasi oo Guddoonka Baarlamaanka uu amray in lagu wareejiyo Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka si ay qaraarkaasi usoo saaraan.

Markaasi kadib Xildhibaannada Baarlamaanku waxey gudagaleen ka doodista mooshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka kasoo gudbiyeen derbi la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo markii uu mooshinkaasi akhriyey kadib ka hadlay aragtidiisa ayaa xusay inaanay marna la aqbali Karin in dowlad kaligeed ay xuduud calaameysato ayadoo aysan la ogeyn dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa xildhibaannada Baarlamaanka u akhriyey qoraar ay Baarlamaanka Jaamacadda carabta uga soo hor jeesteen islamarkaana ku cambaareeyeen darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya kaasi oo ay Jaamacadda carabtu ku tilmaameen mid xad gudub ku ah madax banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Aragtida Xildhibaannada waxey aheyd mid isku dhow oo waxay kasoo wada hor jeesteen darbiga ay dowladda ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya waxaana Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf uu muujiyey in xuduudaha dalka ay go’aan ka gaari karto dowlad ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed balse tallaabada ay hada qaaday dowladda Kenya ay tahay mid aanay la aqbali Karin.

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi ayaa isaguna uga mahad celiyey guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka dareenka wadaninimo ee ay muujiyen maanta islamarkaana waajib qaran ay tahay in laga dhiidhiyo talaabooyinka xad gudubka ah ee kasoo yeeraya dhanka dowladda Kenya.

Mooshinka ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka keeneen darbiga la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya ayaa ugu dambeyn laga soo saari doonaa qaraar kaasi oo Guddoonka Baarlamaanka uu u xil saaray guddi ka kooban Shan xubnood, maalinnimada berrito ah waxaa Baarlamaanka hor imaan doona Wasiirka Maalliyadda si uu Xildhibaannada uga jawaabo su’aallo la xiriira mushaaraadka shaqaalaha Dowlada iyo isbedelka dhaqaalle ee dalka uu galay.

 

Previous Post

Tartan Qur’aan akhris ah oo loo qabtay arday Soomaaliyeed

Next Post

Arday dhameysatay dugsiyada sare ee Turkiga oo xaflad loo qabtay-Sawirro

Next Post
Arday dhameysatay dugsiyada sare ee Turkiga oo xaflad loo qabtay-Sawirro

Arday dhameysatay dugsiyada sare ee Turkiga oo xaflad loo qabtay-Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In