Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo loo qeybiyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada iyo kuwa kale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 141 Xildhibaan, waxaana ajandaha ugu horeeya uu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada, iyadoo Xildhibaannada uu ka hor akhririyay Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Xildhibaannada u sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay hindise sharciyeedkan sugidda amniga guud ahaan ee dalka iyo fulinta sharciga, iyadadoo la dhowrayo xaqa muwaadintiinta Soomaaliyeed ay leeyihiin, waxana uu mudanayaasha ka codsaday in ay meel mariyaan hindishe sharciyeedkan

Dhanka kale mudanayasha Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay qaraaro dhowr ah, iyadoo kuwii maanta Xildhibaannada loo qeybiyay ay ku jirtay qaraar ku saabsan Nidaam siyaasadeedka iyo qorshaha sharciga lagu dhisayo dowlad goboleedyada xubinta ka noqonaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo uu baarlamaanku u soo diyaariyay Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga, waxaana mudanayaasha qaraarkaasi ka hor akhriyay Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan, waxaana xukuumadda laga codsaday inay soo gudbiso nidaam siyaasadeedka lagu dhisayo Maamul Goboleedyada.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Xildhibaanada ayaa sidoo kale loo qeybiyay soo jeedin guddiga la socodka iyo dib  u eegista dastuurka, kaasi oo qaraarka Xukuumadda iyo Baarlamaanka loo muujinayo tubta loo marayo, waxaana Xildhibaanada ka hor akhriyay Xildhibaan Ibraahim Saalax Deefullah oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka.

Qaraarada maanta Xildhibaannada loo qeybiyay, waxaa wehliyay qaraar kale oo  qabyo ah oo aan weli la qeybin, balse Baarlamaanka uu ka hor akhriyay, Guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaad uu Guddoonka baarlamaanka u xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan, habka loo wajahayo siyaasadda 2016-ka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Fadhaye,  kaasi oo ku qoto siyaasadda 2016-ka lagu hayo dalka.

 

 

Previous Post

Xildhibaan Dhalxa oo ka tacsiyeeyay Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

Next Post

Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”

Next Post
Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”

Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In