Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo qaraar ka soo saaraya darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay ka soo saaraan qaraar ka dhan ah darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ajandaha kulanka maanta uu yahay mid mudanayaasha ay kulankooda kaga soo saari doonaan qaraar ka dhan ah darbiga ay Kenya ku dooneyso inay ka dhisato xadka kala qeybiyaha Soomaaliya iyo Kenya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

April 1, 2026
Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026

“Waxaa jira kulanka baarlamaanka, waxa uu daba socdaa kulankii 11-kii bishan ay mudanayaasha ku yeesheen xarunta golaha shacabka, waxaa jirtay dood adag oo ay mudanaasha ka yeesheen arrinta darbiga Kenya, runtii maanta qaraar ayaa laga soo saarayaa oo ay soo diyaariyeen guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee baarlamaanka u qaabilsan, waxaana ajadaha labaad uu noqonayaa Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka oo kulankii hore hakad ku yimid” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim.

Xildhibaanka ayaa xusay in kulanka Baarlamaanka uu yahay mid ay ku soo saarayaan go’aanka uga aadan arrinta darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka dalka.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo deegaanka Buq-aqable ku dilay tiro Al-Shabaab ka tirsan

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

April 1, 2026
0

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In