Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo soo gabo gabeeyay ka doodista Hindise sharciyeedka maalgeshiga Shisheeye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bilowga kulankii Baarlamaanka ee maanta waxaa Xildhibaannada lagu hor dhaariyey Xildhibaan Liibaan Cumar Cabdiraxmaan oo bedelay Xildhibaan hore Maxamed Xuseen Nuur (Xagaafe) oo isagu iskiis xilka isaga casilay, dhaartaasi kadibna waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka laga hor akhriyey warbixin ku saabsan shirkii Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay dalka Tunisia, ayadoo warbxintaasina uu Xildhibaannada u akhriyey Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Jaamacadda Carabta.

Xildhibaannada Baarlamaanku waxey guda galeen dooda sharciga Maalgashiga Shisheeye waxaana mudaneyaashu bilaabeen iney aragtidooda ku daraan sharcigan oo maanta lasoo gebagebeeyey akhrintiisa 2aad, gunta aragtida Xildhibaannaduna waxa ay kala ahaayeen hubinta shirkadaha u imaanaya maalgashiga dalkeenna, kaalinta ay dadka Soomaaliyeed ku yeelan karaan fursadaha ay ajaaniibtu ku maal gashanayaan Dalkeenna iyo mudada fasaxa ama ruqsada loo siinayo ajaaniibta maalgashadeyaasha ah.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warashadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Aadan oo Xildhibaannada ka hor hadlay ayaa faah faahiyey doorka Wasaarradaha Xukuumaddu u fasaxayo sharcigan, isagoo geesta kalena Xildhibaannada ka codsaday iney sharcigan meel mariyaan maadaama baahi weyn loo qabo.

Guddomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir guddoominayey ayaa gebagebadii ka dalbaday Guddiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo warashadaha ee Baarlamaanka in tallooyinka Xildhibaannada kusoo daraan sharcigan, dhanka kalena waxa uu xusay in kulanka ugu soo horeeya Baarlamaanka uu ku gudageli doono dooda Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka.

Sharci kasta oo Baarlamaanka la hor keeno waxa uu maraa seddex akhrin, hindise sharciyeedka maalgashiga shisheeyana waxa uu marayaa marxaladii ugu dambeysay mar hadii maanta lasoo gebagebeeyey doodiisa.

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo daah furay cilmi baaris ku saabsan doorka bulshada

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In