Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamanka Carabta iyo OIC oo cambaareeyay qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka Carabta iyo OIC oo cambaareeyay qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, Dowladaha Sacuudiga iyo Baxrayn ayaa si kulu u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Dr; Mishcal, bin Faham, Asalami, ayaa tacsi u diray , Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliya, geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla, oo xubin hore ka ahaa Baarlamaanka Carabta, kaas oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday wasaaradda Shaqada.

Wuxuuna guddoomiye, Mishcal Alle uga baryay in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, Ehelladii iyo qaraabadii u ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa tacsi taa la mid ah u soo dir Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr; Yuusuf Bin Axmed Al-Cutheymiin, isagoo sheegay in Ururku uu cambaaraynayo falalka Argagixisanimada ah nooc walba oo ay yihiin, wuxuuna intaa raaciyay in OIC ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, kuna taageereyso dagaalka ka dhanka Kooxaha xag-jirka ah.

Sidoo kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Dowladda Baxrayn ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxig xigay ee shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo galaaftay nolosha Dad maato ah aan waxba galabsan.

Masu’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa wakaaladda wararaka Sacuudiga u shaagay inay Xukuumadiisu cambaaraynayso falalka noocan ah ee argagixisinimada, wuxuu caddeeyay inuu Dalkiisu uga tacsiyadeynayo Xukuumadda Soomaaliya iyo ehelada marxuukumiintii ku geeriyootay qaraxyadaasi naf la caariga ah.

Wuxuuna sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka soo horjeedo nooc kasta oo fal argagixiso ah, isagoo u rajeeyay Dadkii ku dhaawacmay falalkaasi inuu Eebbe bogsiiyo kuwii ku dhintayna Janadiisa ka waraabiyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Dalka Baxreyn,  bayaan ay soo saartay ayaa waxay ugu tacsiyeysay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda Dadkii ay waxyeellada kasoo gaadhay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, iyadoo u rajeysay in dhaawacyada uu Alle siiyo Caafimaad dhammaystiran.

Waxanay Boqortooyada Dalka Baxrayn sheegtay in ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya la dagaallanka iyo falalka Argagixisada nooc walba oo ay yihiin.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Akhriso: Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland

Next Post
Akhriso: Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland

Akhriso: Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In