Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banbax Howleed ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Djibouti “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Banbax Howleed ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Djibouti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banbax howleedkan oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madax-bannaan ee Dib-eegista iyo Hirgelinta Dastauurka, oo socday muddo 5 maalin ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti.

 

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Xiritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxda saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed iyo habdhowraha Golaha Shacabka Mudane Sharmarke Garaad Saleebaan iyo lataliyaasha hay’adaha kala duwan.

Intii u socday banbax howleedkan waxaa saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda midaysan ee wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee dib-ueegista dastuurka iyo qorshe howleedka midaysan ee latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019. Sidoo kale waxaa la isku raacay waqtiga la bilaabayo latashiyada iyo wacyigalinta dadweyanaha ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay wadashaqaynta saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-ueegista dastuurka iyo sida ay uga go’antahay in la dhamaytiro dastuurka, waxayna ballan qaadeen in ay sii xoojin doonaan wada shaqayntooda, maadaama Ummadda Soomaaliyeed ay ka sugayso dastuur dhamaystiran oo lagu wada heshiiyay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed oo hadal ka yiri kulanka xiritaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii Ummadda Soomaaliyeed dhibta iyo is qabqasiga ay uga bixi lahayd, si taas loo gaarana loo baahanyahay heshiis Ummadda ay wada dhigatay, kaasna waa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo ah heshiiska bulshada.

Gabagadii, waxaa lagu ballamay in la bilaabo ololaha wacyigalinta iyo latashiyada dadwaynaha ee dib-u-eegidta dastuurka gaar ahaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay bisha Maarso 2019, iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaytiro Dastuurka ku meelgaarka ah sanadkan 2019 .

 

Previous Post

Ciidamada darawiishta Galmudug oo diiwaan gelin loo sameeyay

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In