Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banbixii Golaha Wasiirrada oo la soo gabagabeeyey (Warsaxaafadeed)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Banbixii Golaha Wasiirrada oo la soo gabagabeeyey (Warsaxaafadeed)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 5 Nofeembar 2020 soo gabagaboobay banbax howlleed ay yeesheen Golaha Wasiirrada oo soconayey muddo saddex maalmood ah.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirka banbaxa looga faa’iideystay waxaa ka mid ahaa in si waanaagsan la iskula fahmay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo doorka wasaarad walba ay ku leedahay hirgelintiisa, heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka dadban ee laga fulinayo dalka 2020/2021, xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, arrimaha caddaaladda iyo sugidda amniga guud, gaar ahaan kan doorashooyinka iyo dardargalinta dagaalka lagula jiro argagaxisada, arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u diyaargarowga laba-kacleynta Caabuqa COVID-19.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Waxaa kale oo looga faa’idaystay banbax howlleedkan dhamaystirka qorshaha 100ka maalmood ee Xukumadda iyo axdiga balanqaadka howl-fulineed ee wasaarad walba la gashay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Intii uu socday banbaxu Ra’iisal Wasaare Rooble wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada la dagaalanka musuqmaasuqa, in doorashooyinka 2020/2021 u dhacaan si hufan oo cadaalad ku salaysan iyo in la dhowro qoondada 30% ee haweenka. Waxaa kale oo la isla gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025.

Waxayna Xukuumaddu balan-qaaday in fulinta arrintan ay qayb muhiim ah ka tahay Barnaamijka Xukuumadda, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka afar sano ka dib, si aan mar kale loogu laaban doorashooyin dadban.

Intii lagu guda-jiray howllaha banbaxa waxaa kaloo diiradda la saaray Barnaamijka dhab-u-heshiinsiinta dalka iyo wax ka qabashadda tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta, kuwaa soo qayb ka ah howlaha hortabinta u leh Xukuumadda.

“Waxaan ku boorinayaa Golaha Wasiiradda in aan hakad ku iman addeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshadda xiliga doorashada” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Previous Post

Akhriso: Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la magacaabay

Next Post

Arday u fadhiisatay Imtixaanka aqbalaadda ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Puntland “SAWIRRO”

Next Post
Arday u fadhiisatay Imtixaanka aqbalaadda ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Puntland “SAWIRRO”

Arday u fadhiisatay Imtixaanka aqbalaadda ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Puntland “SAWIRRO”

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In