Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bandhig wax soosaarka Dalka oo baydhabo lagu qabtay (Warbixin)

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Bandhig wax soosaarka Dalka oo baydhabo lagu qabtay (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhaqaalaha Soomaaliya marka laga hadlaayo waxa uu inta badan ku tiirsan yahay Xoolaha nool, Beeraha iyo Kalluumeyiga, marka haddaay sidaasi tahay ayaan diiradda ku saareynaa Beeraha iyo wax soosaarka Dalagyada kala duwan ee ka baxa Dhulka Soomaaliyeed.

Beeraha Soomaaliya waa isha Labaad ee waxsoo saarka wadanka Soomaaliya taasi oo ay tiro badan oo dad ahi ku tiirsan yihiin, sida caadiga ah, dallaga Soomaaliya waa dhammaan dhirta (muraha iyo khudaarta) ka soo baxa beeraha wadanka Soomaaliya. Waxsoo saarka beeraha Soomaaliya waxay gaarsan yihiin 65% Dhaqaalaha aasaasiga wadanka, taasi oo soo ururinaysa isticmaalka wadanka dhexdiisa iyo dhoofinta badeecada dunida inteeda kale loo ganacsi geynayo.

Related posts

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026

Abuurka iyo wax-soosaarka beeraha waxaa ay qeyb ka yihiin waxyaabaha ugu waaweyn oo ay ku tiirsan yihiin dadka Soomaaliyeed, waxaana in muddo ah meesha ka baxday wax-soosaarka dalagga Beeraha iyo Suuqyadii loo iib geyn jiray, kuwaasi oo hoos u dhigay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray dadkuna ay ku tiirsanayeen.

Haddaba si kor loogu qaado wax soosaarka Beeraha iyo suuq geynteedaba ayaa Magaalada Baydhaba waxaa shalay lagu qabtay soo bandhigis wax soo saarka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah mashruuc ay maalgeliso hey’adda kaalmada u qaabilsan Maraykanka ee USAID.

Mashruucaan oo lagu soo bandhigay wax soosaarka Dalka oo ay maalgalinteeda iska leedahay Hey’adda Kaalmada dibada ee Dalka Maraykanka ee loo soo gaabiyo USAID ayaa shalay laga furay Magaalaa Baydhabo oo ah Xaruunta Ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay furitaanka Munaasabadaasi Masuuliyiin ka socotay Maamulka Koonfur Galbed, kuwa USAID, kuwa samafalka, maalgashiyaasha iyo kuwa ganacsiga.

Waxyaabaha la soo bandhigay waxaa ka mid ah:- Khudaarta noocyadeeda kala duwan, Cuntooyinka Wadaniga ah sida Haruurka ama Masagada, Galeyda, Digirta, Sisinta iyo kuwa kale.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay Hilibka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin Hilibka Digaaggga iyo Kalluunka.

Hey’adihii soo agaasimay Bandhigaasi masuuliyiintooda oo goobtaasi ka hadlay ayaa waxay halkaasi ka sheegeen in mashruuca ay maanta daahfurayaan loogu talagalay sidii isku fillaansho dhanka dhaqaalaha ah loo gaari lahaa, waxayna xuseen inay mar walba kaalmeyn doonaan ganacsatada yar-yar si loo kobciyo dhaqaalahooda wax soosaar.

Barnaamikani ayaa lagu sheegay inuu aad waxtar ugu yahay dhammaan dhinacyada ay khuseysa, waayo Mashruucani waxa uu faaiido u yahay dhanka sare u qaadidda wax saasaarka Dalka iyo waliba shaqo abuur u yahay Dhallinta, waxaana toos loola shaqeeyaa Ganacsatada iyo wax soosaarka la tartami kara Dalagyada dibadda la geeyo.

Munaasabadaasi ayaa waxaa kaloo ka hadlay Dadkii soo bandhigay wax soosaarkooda, waxayna sheegeen inay halkaasi keeneen wax ay soo saaraan Shirkadahooda ganacsi oo ay ka mid yihii Khudaarta, Hilibka oo dhowr nooc aha, isalmarkaana ay ku faraxsan yihiin inay soo bandhigaan wax soosaarkooda, ayna u helaan suuq ganacsi oo furann.

Waxaa kaloo ka mid ahaa Ganacsatadii wax soo bandhigtay shirkad ku howlan dhinaca Abiuur, kuwaasi oo soo bandhigay Abuurka ay hayaan, si ay beerleydu u helaan abuur caafimaad qaba, waxaa kaloo halkaasi lagu soo bandhigay Hilib loo sameeyay qaabka ay Soomaalidu u taqaan Oodka iyo Timirta.

Wasiirka Qorsheynta ee Maamulka Koonfur Galbeed Axmed Baashi oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in si loo gaaro isku filaasho dhinaca Cuntada ah waa in kor loo qaado wax soosaarka Dalaga beeraha.

Mashruucani ayaa ah kii ugu horreeyay ee laga hirgaliyo Magaalada Baydhabo ee Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo horay Mashruucani mid la mid ah looga soo hirgaliyay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo ka tirsan Maamulka Puntland.

W.D:- C/laahi Ruush

Previous Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Next Post

Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo goordhow furmay

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda

Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo goordhow furmay

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

June 13, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay maalinta la qabanayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In