Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bankiga dhexe oo sheegay in lacag cusub la soo daabici doono

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Bankiga dhexe oo sheegay in lacag cusub la soo daabici doono
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha, Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali, oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in Bandiga uu ku howlan yahay soo daa bicista lacag cusub oo shilin Soomaali ah,  taas oo wax looga qaban doono lacagaha been abuurka ah ee dhibaatada ku haysa suuqyada wadanka.

“Bankiga dhexe iyo hey’adda u xil saaran waxaa ay ku howlan yihiin in lacag cusub la soo daabaco oo aan la ben abuur karin, dadka fal dambiyeedkaas lacagta been abuurka wadana in laga joojiyo arintaas,” ayuu yiri guddoomiye Bashiir.

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

Guddoomiye Bashiir, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale, xusay in laamaha Bankiga dhexe ee magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo la diyaariyay isla markaana meelaha kale gacanta lagu hayo goor dhowna la dhameystiri doono.

“Lacagta waxaa ku jira Kun, labo Kun, Shan Kun, 10 Kun, 20 Kun, waxaa kale oo laga fekirayaa xitaa 50 Kun in lagu soo daro laakiin intaan hor ayaa loo baahan yahay ayaa la yiri,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda sameyn doonto lacag ka yar Kunka Shilin, hase ahaatee hadda lacagta la diyaariyay ay tahay Kunka Shilin.

Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa sheegay dadka sameeya lacagaha been abuurka ah ee loo egaysiiyey Kunka Shilin iyo inta ku gacansiisa ay dalka iyo dadka dambi ka galeen, cidii lagu soo qabto iyada oo gacanta kula jirta samaynta laacagtaas sharciga la horgeyn doono.

“Sharciga waxaa uu leeyahay qofkii lagu helo lacag been abuur ah waa 10 sano oo xarig ah waana dambi caalami ah,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Mudooyinkii dambe waxaa sare u kac laga dareemayey qiimaha quudul daruuriga ee suuyada dalka, taas oo loo aaneeyey lacago badan oo suuqyada soo galay lacagtaas oo u badneeed mid been abuur ah waxayna keentay in ay salfato lacagtii Shilin Soomaaliga aheyd.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo ku booriyay shaqaalaha rayidka ee dowladda inay gutaan waajibaadka loo idmaday

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay guddi qaabilsan dhismaha waddooyinka

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay guddi qaabilsan dhismaha waddooyinka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay guddi qaabilsan dhismaha waddooyinka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In