Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo dalka Kenya kula kulmay Madaxweynaha Kenya ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay sii wadayso la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab si guud ahaan gobolka looga cirib tiro.

Mr Obama ayaa yiri “Dadaalada waa kuwo wadajir ah oo wadankeyga kala shaqeynayo Uganda, Ethiopia iyo kuwo kale, anaga waxaan si isdaba joog ah hoos ugu dhignay dhulka ay ka taliyaan Al-Shabab, waxaan awoodnay in aan yareyno dhibaatada ay ka geysan karaan gudaha Soomaaliya,” isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxweyne Barack Obama ku daray “Waxaan sidoo kale wiiqnay awooda shabakadaha argagaxisada ee ka howlgala bariga Afrika, si lamid ah guud ahaan caalamka oo dhan kooxaha gacan ka hadalka aaminsan aan awoodooda daciifinay, balse wali dhibaato ayay geysan karaan, tusaale ahaan shakhsiyaadkii ka dambeeyay weeraradii Jaamacadii Gaarisa iyo suuqa ganacsiga ee West gate, waa kuwo naftooda biimeeya oo dad badana dhibaateeya, waana weeraro ay la beegsadaan dadka shacabka ah”.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay ka wada hadleen in la xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo la kaashanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si loo joogteeyo cadaadiska la saarayo kooxaha argagixisada.

“Anagoo la shaqeynayna dowladda Soomaaliya, maadaama dowladda ay isku balaarinayso deegaanada Al-Shabab ay joogaan, Dowladda hadda jirta waa mid uu caalamku aqoonsanyahay, anaga waxaan sidoo kale sameynayaa in aan kordhino awooda ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab si dowladda Soomaaliya u awoodo in ay dhisato hey’adaheeda dowliga ah, taas oo hadda horumar sameynaysa, waxaa intaasi dheer in aan dhanka mukhaabaraadka ka caawin doona dowladda Kenya iyo guud ahaan wadamada gobolka, si loo ogaado, isla markaana looga hor tago kooxaha dhibaatada ka shaqeeya had iyo jeeraale” ayuu yiri Madaxweyne Barack Obama.

Previous Post

Baarlamaanka oo loo qeybiyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada iyo kuwa kale

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In