Dadkii ugu badan ee ku nool Baladweyne ayaa saakay ka barakacaya Magaalada ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada haba ugu badnaato xaafada xaawo taako .sida uu inoo xaqiijiyay wariyaha Baladweye ee Cabdishakuur Cismaan Cali.
Dadka ayaa la sheegay inay aadayaan dhinca deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada Baladweyne si la mid ah ay sanadkii horey ay ku barakaceen waxaan jirto cabdi xooggan ah oo ah in guud ahaan Biyaha ay gaaraan Magaalada .
Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene iyo Ganactasada oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu caru tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu kameynayo .
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda wado dadaalo iyo qorshayaal loogu hartago qatarta wabiga shabeelle ee Magaalada baladweyne waxa ayna geysay qalab laogu talagalay in caro tuur loogu sameeyo wabiga iyadoo laga cabsi qabo inuu qasaaro geysto sidii sanadkii tagay oo gabi ahaan Magaalada Baladweyne ee uu ku Fatahay wabiga shabeelle taasi oo ay ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ay ugurmadeen.