Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka oo u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka KMG ah.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa Xildhibaanada waxa ay wax ka badal ku sameeyeen qodobka 60aad farqadiisa 1aad iyo qodobka 136 farqadiisa 2aad ee dastuurka KMG ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Baarlamaanka ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobada aan kor ku soo xusnay, iyadoo ay cod gacan taag ah ku codeeyeen 215 mudane, waxaana haa ku ogolaatay 208 mudane afar mudane waa ay diiday, halka saddex mudane ay ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista ee baarlamaanka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa sheegtay in labada qodob ee uu baarlamaanka wax ka badal ku sameeyay ay yihiin kuwa muhiim u ah Qaranka, isla markaana ay kala quseeyaan in uusan dalka noqon dastuur la’aan iyo baarlamaan la’aan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in laga bilaabo maanta uu baarlamaanka galayo fasax cidda ah, maadaama ay dhamadeen sharuucda hor tebinta leh.

Previous Post

Hanaanka siyaasadda ee dhallinyarada Qaranka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Next Post
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In