Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Batuulo Sh. Axmed Gaballe “Oohin dambe iyo calaal dambe waa naga dhamaaday, waxaan diyaar u nahay inaan ciidamada qalabka sida safka hore la galno”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Batuulo Sh. Axmed Gaballe “Oohin dambe iyo calaal dambe waa naga dhamaaday, waxaan diyaar u nahay inaan ciidamada qalabka sida safka hore la galno”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa hooyooyinka ugu baaqday inay u soo baxaan dagaalka ka dhanka ah cadawga ummadda ee Al-Shabaab, si guud ahaan looga ciribtiro dalka.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka

Guddoomiyaha oo ka hadleysay isu soo bax looga soo horjeeday falkii argagixisada Al-Shabaab ay ku xasuuqeen shacab Soomaaliyeed oo ku sugnaa isgoyska Ex-koontarool Afgooye ayaa sheegtay in haweenka looga fadhiyo kaalinta ay ku leeyihiin ciribtirka

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

“Hadaan nahay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo markasta ay ilmada, hagar daamada iyo calool xumada ayna badeen argagixisada adduunka iyo calooshood u shaqeystayaasha dhogorta nooga eg ee ku qaraabta magaca diinta Islaamka, kuwaasi oo ku faanaya daadinta dhiiga carruurta, haweenka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waa inaan ka hortegnaa oo aan ciidanka garab istaagnaa” ayay tiri Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa tilmaamtay inay la safan doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si guud ahaan dalka looga ciribtiro, isla markaana aan loo dulqaadan doonin in Hooyo Soomaaliyeed ay qaaddo asaay, waxaana ay intaa ku dartay in carruurta ay qaldeen dhagar qabayaaasha xoog looga soo furan doono.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ugu baaqday dhallinyarada ay marin habaabiyeen Al-Shabaab inay isaga soo tegaan oo ay isu soo dhiibaan gacanta ciidamada qalabka sida si ay u helaan dhaqan celin, ayna uga waan toobaan daadinta dhiigga walaalahood Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo ku baaqay in shacabka ay garab istaagaan ciidamada amniga

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo ku baaqay in shacabka ay garab istaagaan ciidamada amniga

Taliyaha ciidanka booliska oo ku baaqay in shacabka ay garab istaagaan ciidamada amniga

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In