Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bayaanka Ka soo baxay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ku Baaqay Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxa ay si weyn ugu faraxsan tahay in si
habsami leh uu ugu qabsoomay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ku
saabasanaa (Kaalinta Culimada Ee adkaynta Amniga & Dhab-U-Heshiinta Dalka)
"دور العلماء في مسيرة الأمن والمصالحة في الصومال"

 

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Shirweynahaan waa kii 2-aad ee noociisa ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, intii
u dhaxeysay 21 – 23 ka April 2019.

Wasaaraddu waxa ay bogaadinaysaa kasoo qayb galka dhammaan Culimada
Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobollada dalka iyo dibeddiisaba si ay kaalintooda uga
qaataan adkaynta ammaanka iyo Dhab-u-heshiinta dalka,

Wasaaraddu waxaa kale oo ay u mahad celinaysaa xarunta ka hortagga iyo la
dagaallanka Fikirka Xagjirka ee Rabshadaha Wata – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Shirweynahaan ka socday muddoda seddexda maalmood ah magaalada Muqdisho,
waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku qoran:

1. Waxaa la isku raacay in Shirweynaha culimada Soomaaliyeed uu noqdo shir
sanadle ah

2. Waxay Culimadu isku raacsan yihiin in Soomaliya ay tahay Dal Muslim ah, Sunni
ah, mad-habkeeda Fiqhiga ahina yahay mad-habka shaaficiga.

3. Waxay Culimada Soomaaliyeed isku raaceen in shacabka Soomaaliyeed iyo
Dowladdiisuba ay yihiin dad Muslimiin ah, sidaa daraaddeed kooxaha
bannaystay gaalaysiinta iyo dilkoodaba ay yihiin kuwa baal marsan Diinta
Islaamka, waajibna ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

4. Waxay sidoo kale culimadu isku raaceen in ay xaaraam tahay in la maal-geliyo,
la taageero, gabbaad lasiiyo ama la gacan-siiyo ururrada/kooxaha xagjirka ah ee
hubaysan

5. Waxaan ugu baaqaynaa Kooxaha aaminsan caqiidada gaalaysiinta dadka
muslimiinta ah in ay Allah u towbad keenaan joojiyaanna gaaleysiinta ummada
Soomaaliyeed.

6. Culimadu ayagoo gudanaya dawrkooda diiniga ah waxa ay dardar galin doonaan
in ay kala shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed ka hortagga iyo daweynta
xagjirnimada.

7. Shirweynaha Culimada waxaa uu adkeynayaa in la hirgaliyo qorshaha Dhab u
heshiinta umadda Soomaaliyeed iyo in laga shaqeeyo siyaasadeed dhab u
heshiin oo hirgasha.

8. Waxaan adkaynayaa in si deg deg ah loo ansixiyo Xeerka Dhismaha Golaha
Sare ee Arrimaha Islaamka Soomaaliya, lana dhiso Golaha Sare ee Arrimah
Islaamka si culumada soomaaliyeed u gutaan kaalintooda sida ugu habboon;

9. Waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimada iyo dhaxalka sooyaalka diimeed
ee ummadda soomaliyeed ay leedahay.

10. Waa in si deg deg ah loo dhameystiro dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si
nidaam garsoor oo huffan loo helo;

11. Waxaan ku baaqaynaa in la xoojiyo wadajirka iyo midnimada Culimada
Soomaaliyeed ayna meel ugasoo wada jeestaan wacyigelinta bulshada ee ku
aadan baal marsanaanta dinnta ee kooxaha dhiiga ummadda banaystay

12. Waxaan adkaynaynaa in Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta & Culimada
Soomaliyeed ay hubiyaan xeerarka iyo Dastuurka Dalka, si loo xaqiijiyo
waafaqsanaanta shareecada Islaamka.

13. Culimadu waxay ku baaqayaan in la adkeeyo ilaalinta anshaxa & aadaabta
islaamka iyo ka foogaanshaha wararka been abuurka ah ee bulshada lagu marin
habaabinayo.

14. Waxaan sidoo kale si cod dheer ah ugu baaqaynaa in la dhiso hay’adda wanaag-
faridda iyo xumaan reebista

15. Culimadu waxay adkaynayaan n la xoojiyo kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ee
ku aaddan Horumarinta Bulshada, nabadeynta iyo barbaarinta

16. Culimada Soomaaliyeed waxay ugu baaqayaan beelaha Soomaliyeed ee iska
hor imaadyadu ka jira in ay joojiyaan colaadaha iyo dhiigga walaal ee ay sida
xaqdarrada ah isaga daadinayaan.

17. Waxay culimada soomaaliyeed ugu baaqayaan madaxda dawlad gobolleedyada
dalka in ay ka fogaadaan khilaafaadka dib u dhac ku samayn kara, ilaaliyaan
midnimada dalka iyo dadka, ismaandhaafka siyaasiga ah ee jirana lagu xalliyo
wadahadal, is aqbalaad iyo isu tanaasul.

18. Waxay Culimadu soo dhawaynayaan dadaallada wacyigalineed ee ka hortagga
iyo la dagaallanka argagixisada ee ay wadaan ha’adaha dawladda.

19. Culumadu waxay ugu baaqayaan Dowladda in ay dedejiso meel marinta hindise
sharciyeedka la dagaalanka xagjirnimada iyadoo lagala tashanayo culumada.

20. Waxaan ku baaqaynaa in la meelmariyo baaqii, fatwadii iyo dardaarannadii
kasoo baxay shirkii kan ka horreeyay ee magaalada Muqdisho lagu qabtay
sanadkii 2013.

21. Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa tawbad keen iyo Alle u
laabasho loo dhan yahay iyo in la sameeyo roob-doon dalka oo dhan ah.

Waxaan Allaah weydiisanaynaa in uu ummadda Soomaaliyeed siiyo Nabad
waarta iyo Nolol wanaagsan.

Dhamaaad

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Dalka Masar oo ka wada hadlay xaaladda Gobolka

Next Post

Kulan lagu taageerayay Qorshaha Wasaaradda Diinta ee Arrimaha Xajka ee Sanadkaan oo Muqdisho ka dhacay

Next Post
Kulan lagu taageerayay Qorshaha Wasaaradda Diinta ee Arrimaha Xajka ee Sanadkaan oo Muqdisho ka dhacay

Kulan lagu taageerayay Qorshaha Wasaaradda Diinta ee Arrimaha Xajka ee Sanadkaan oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In