Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beeraleyda gobolka Shabeellaha Dhexe oo dib u bilaabay tabcashada beerahooda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Beeraleyda gobolka Shabeellaha Dhexe oo dib u bilaabay tabcashada beerahooda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo horaantii bishii Maarso ee la soo dhaafay guud ahaan meelaha uu maro webiga Shabeelle ee gobollada dalka waxaa ka jirtay biyo la’aan baahsan oo ka dhashay marki uu wabigu guray, iyadoo oo lagu jiro xiliyada kuleylaha.

Arrintan waxa ay saameen xoogan ku yeelatay dadkii ay noloshoodu ku tiirsaneed biyaha webiga Shabeelle, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada ku teedsan wabiga.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026

Meelaha uu wabigu guray dhexdooda dad ayaa qotay si ay biya ugu helaan, laakiin biya wasaqeysan oo ay ka cabaan qaarkood oo carruuri u badan waa ay ku dhintaan, markii uu haleelay shuban biyood, sidoo kale in ka badan 300 qof ayaa la dhigay isbitaalka Jowhar kuwaas oo uu soo ritay cudurka shubanka inkastoo dadaal kadib dib ay uga biskoodeen .

19 kii bishaan maalinkii Talaadada aheyd ayuu biya keenay webiga oo aad loo sugayay dadka ayaa isugu soo baxay iyaga oo faraxsan.

Sokori Maxamed Nuur oo ka mid ha beeralayda oo faraxsan misna wata baaskiil uu kaga yimid beertiisa, waxaana uu yiri “Waxaan ku faraxsanahay wabiga soo inuu biya keenay, ilaah ayaa mahad leh, runtii waxaan nahay dad danyar ah oo ku tiirsan webiga beerahana ka waraabsan jiray markii guray, waxaan ka soo bara kacnay tuulooyinkii aan beeraha ku laheen, hadda waan u laabanay isla markii uu biya keenay dib ayaana beeraheena u falanaynaa”

Beeralayda waxa ay dib u falanayaan beerahooda iyagoo ku abuuraya dalagyadaadi hadba ay u arkaan inuu u gadmayo   qaarkood oo aan la sheekaystay waxa ay ii sheegeen inaanay waligood arag wabiga uu sidan u guray inkastoo ay tilmamayaan inuu biya yareen jiray.

vlcsnap-2016-04-22-18h54m02s186 vlcsnap-2016-04-22-18h55m51s9 vlcsnap-2016-04-22-18h56m33s154 vlcsnap-2016-04-22-18h58m16s178 vlcsnap-2016-04-22-19h00m35s50 vlcsnap-2016-04-22-19h02m06s179 vlcsnap-2016-04-22-19h03m59s33 vlcsnap-2016-04-22-19h07m24s28 vlcsnap-2016-04-22-19h10m26s52 vlcsnap-2016-04-22-19h11m19s39 vlcsnap-2016-04-22-19h13m49s53 vlcsnap-2016-04-22-19h14m34s216 vlcsnap-2016-04-22-19h16m35s143 vlcsnap-2016-04-22-19h19m26s81 vlcsnap-2016-04-22-20h10m40s91 vlcsnap-2016-04-22-20h11m14s110 vlcsnap-2016-04-22-20h12m37s253

Cabdishakuur Cali Axmed

 

Previous Post

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta oo tababbar loo soo xiray

Next Post

Ra’iisul wasaaraha Jarmalka oo booqaneysa Turkiga

Next Post
Ra’iisul wasaaraha Jarmalka oo booqaneysa Turkiga

Ra'iisul wasaaraha Jarmalka oo booqaneysa Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In