Iyadoo lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa sida looga bartay Haya’adda Bisha cas ee Imaaradka Carabta waxay qaybinta raashinka afurka ka bilowday qeybo kamida degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Hodan, Cabdulcasiis, Warta Nabadda, Wadajir , Shangaani iyo Dharkeynleey taasi oo ay ka faa’iidaysanayaan 5-kun oo Qof.
Cali-Daacad Cabdul Aadam oo wakiil ka deeqdan afurinta ee bisha cas ee Imaaradka Carabtu bixinayeen oo warbaahinta kula hadlayay degmada Warta Nabadda oo markaas ay ka socotay qaybinta raashinkan bisil ee isugu jira Afurka,Cashada iyo Saxuurta ayaa sheegay inay deeqdan afurinta ee ka timid walaalaha Imaaradka Carabta, ayna si habsami leh u gaarsiiyeen qaybo kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Dhaahiro Cabdi Saalim oo ah Hooyo ka mida dadka danyarta ee ku dhaqan degmada Warta Nabadda ayaa si weyn uga mahad celisay deeqdan raashinka bisil ee ay soo gaarsiiyeen haya’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta.
Haya’adda Bish Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta ayaa marka la gaaro bisha barakaysan ee Ramadaan waxay ka bixiyaan degmooyinka Gobolka Banaadir, gar gaar iskugu jira raashin cayrin iyo mid bisil ,iyagoo ugu danbayntii ka qaybiya dharka Ciida xerooyinka ay degan yihiin dadka soo barakaycay iyo kuwa tabaalaysan.