Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boliiska Kenya oo baadi goobaya Nin ka tirsan Al-Shabaab

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Boliiska Kenya oo baadi goobaya Nin ka tirsan Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Boliiska Dalka Kenya ayaa baadi goob xooggan ugu jira Nin ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo looga shakiyay inuu damacsan yahay weerarro ka dhan ah ammaanka.

War Saxaafadeed kasoo baxay Boliiska Dalka Kenya Jimcihii Shalay ayaa lagu sheegay inay ku raadjoogaan Ninkan, kaasoo la sheegay inuu Hubaysan yahay halisna ku yahay nabad gelyada Kenya.

Afhayeen u hadlay Boliiska Kenya oo lagu Magacaabo, Charles Owino ayaa Daily Nation u sheegay in Anthony Munyasya oo loo yaqaan ‘Abdalla’ uu yahay xubin qatar ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo kasoo dagaallamay kuna soo tababartay Soomaaliya 2014-kii.

Charles Owino , ayaa intaa raaciyay in Cabdalla uu xiriir dhow la leeyahay Cabdinuur Xasan, oo ah Nin ku eedeysan inuu xubin weyn ka yahay kooxaha argagixisada.

Anthony Munyasya oo loo yaqaan ‘Abdalla’ ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu ka dambeeyay Kaniisad hadda ka hor lagu gubay degaanka Kitui, oo ah halka ay haatan Boliisku ka raadinayaan.

Boliiska ayaa ka cabsi qaba inuu Mr; Cabdalla weerro ka geysta gudaha Dalka Kenya inta lagu gudo jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan, markaas oo kooxaha argagixisada looga bartay inay kordhiyaan weerarradooda.

Previous Post

Shuban Biyood ka dillaacay Mandheera Kenya

Next Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ka yeelanaya Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Next Post
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ka yeelanaya Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ka yeelanaya Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In