Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay dil ay Ciidanka AMISOM dhowaan ka geysteen Ceelasha Biyaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay dil ay Ciidanka AMISOM dhowaan ka geysteen Ceelasha Biyaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha qeybta Nabad gelyada Waddooyinka Soomaaliya, Janaraal; Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale), ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan kiiska shilkii dhowaan ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, markii ay Ciidanka AMISOM gaari jiirsiiyeen Saddex muwaaddiniin Soomaaliyeed ah oo watay Mooto Bijaaj.

Taliyaha ayaa Allaha u naxariistee Saddexda muwaaddin Magacyadooda ku kala sheegay, Alifle Cabdishakuur Bootaan Cabdille,oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta, Cabdiqaadir Xuseen Cali, oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wadihii Mootada oo lagu Magacaabi jiray, Dalmar Jeylaani Abuukar Cabdi.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wuxuu sheegay Taliyuhu in Baabuur nooca gaashaaman ah oo ay lahaayeen uu jiiray Marxuumiinta, laakiin nasiib wanaag ay daba socotay Mooto kale oo ay la socdeen xubno ka tisan Ciidamada Qaranka, taas oo fududeysay in shilkaasi laga helo xog badan oo ku filan Dadka Soomaaliyeed ehelada dhibbanayaasha.

Taliyaha ayaa sheegay sababta ku kalliftay Ciidanka AMISOM in ay ka cararaan goobta uu shilku ka dhacay in ay ahayd baqdin ay ka qabeen in ay waxyeello kaga timmaado Dad ka careysan dhacdadaasi.

Taliyaha qeybta Nabadgelyada Waddooyinka ee Soomaaliya, Janaraal; Madaale, ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay qaateen mas’uuliyadda shilkan, isla markaana ay u hoggaansamayaan sharciga.

Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ku war geliyay in ay Dowladdu ku howlantahay sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen dhibbanayaasha iyo Eheladoodaba, isla markaana ay u hagar bixi doonto, isagoo ugu dambeyn tacsi u diray Dadkii ay sida gaarka ah uga baxeen Saddexda marxuum.

Previous Post

Akhriso War-Murtiyeed laga soo saaray kulanka Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo  Madaxweynaha Galmudug

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir Amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir Amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Cadaado “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir Amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Cadaado "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In