Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Boolisku waa wehelka iyo saaxiibka Shacabka

admin by admin
December 20, 2018
in Maqaallo
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 20,kii Diseembar 1943kii, waana kan ugu faca weyn Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana lagu tilmaamaa hooyada Ciidamada Qalabka Sida, Sanadkii 1971-dii ayaa waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya.

 

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Dalkeenna waxaa uu lahaa goobo tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhammaan haatanna lagu siiyaa qeybaha kala duwan ee Booliiska.

Wixii ka horeeyay 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade.

W A A J I B A A D K A CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED.

Waajibaadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:-
1- Sugidda Nabad Gelyada Gudaha. 2- Ka hortegidda wixii nabadgelyo xumo keeni kara. 3- Ilaalinta sharciga dowladda iyo hantida qaranka iyo caddaaladda bulshada, isagoo la shaqeynayo bulshada iyo hay’adaha caddaaladda.4- Ka qeybgalka difaaca dalka, isagoo garabsanaya Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

QAAB DHISMEEDKA CIIDANKA.
Ciidanka booliiska soomaaliyeed, wuxuu leeyahay qaab dhismeed guud oo kala ah:Taliyaha, Taliye xigeenno, Hoggaano, Qeybo, Saldhigyo, iyo Laamo.

Hoggaannada Ciidanka waxay kala yihiin:-

1- H o g g a a n k a Ciidanka, 2- H o g g a a n k a Maalyadda, 3- Hoggaanka Saadka, 4- H o g g a a n k a Nabadgelyada waddooyinka, 5- H o g g a a n k a Tababarrada, 6- H o g g a a n k a Caafimaadka, 7- H o g g a a n k a Gaadiidka, 8- H o g g a a n k a Ilaalinta Canshuuraha, 9- H o g g a a n k a Isgaarsiinta, 10- H o g g a a n k a Dhismaha, 11- H o g g a a n k a Baarista Dembiyada, 12- H o g g a a n k a Howlgelinta, 13- H o g g a a n k a siyaasadda.

LAAMAHA CIIDANKA BOOLIISKA

1- Laanta Baarista Dembiyad, 2- L a a n t a Canshuuraha, 3- Laanta Socotada, 4- Laanta Birmadka Booliiska,

QEYBAHA CIIDANKA BOOLIISKA.

1- Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, 2- Qeybaha Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe ee ( Kismaayo ).
3- Qeybta Gobollada Baay iyo Bakool iyo Gedo ( Baydhabo ), 4- Qeybta Gobolka Hiiraan (Beled Weyne),
5- Qeybta Gobolka Mudug ( Gaalkacyo ), 6- Qeybta Gobolka Bari ( Boosaaso ), 7- Qeybta Gobolka Togdheer ( Burco ). 8- Qeybta Gobolka Waqooyi Galbeed ( Hargeysa ).

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa:

Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo.
Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah.

Ciidanka booliiska soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka sida oo howshiisu har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii la raaciyay nabadda dalka iyo dadka naf iyo hantiba, waxayna ilaaliyaan sharciga dalka.

Ciidanka booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay ee 1977kii, iyadoo ay u dheer tahay gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada ee ogaada wax kasta inyesan dhicin ee fashiliya iyo kala dambeynta.

Ciidanka booliska soomaaliyeed, iyadoo ay u dheer tahay waajibaadkiisa gaar ahaaneed ee ilaalinta nabadgelyada gudaha wuxuuna ka soo qeyb qaatay halgankii gobonnimo doonka, isagoo si hoose ula shaqeynaayay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee SYL.

Haddaba maanta waa maalinta Booliiska Sopomaaliyeed uu 75 sano jirsaday, waxaa ayna dhigiyaan xaflado waaweyn, waxaana jira qorshe la doono in dib loogu dhiso dhismaha ciidamada lana gaarsiiyo 32 kun oo Askari, lana gaarsiin doono dhammaan Dalka oo dhan, Waxaan ku amaanayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, waa geesiyaal xaalado kala duwan oo uu dalka soo maray ku soo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni iyo kala dambeyn.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxay ka midyihiin Awoodaha Ciidan ee uu qaranka Soomaaliyeed leeyahay waxuuna soo maray heerar kala duwan, laakiin maalinba maalinta ka dambeysa wuu soo kabanayaa waxaana rajeynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaalo dheeraad ah ku bixiso Xoojinta iyo qalabeynta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, waxaana hambalyo u diray Madaxda ugu sarreeysa Dalka iyo taliyayaasha Ciiidamada, waxana u rajeyneynaa inay sanadkan kiisa ku gaaraan guul iyo horumar, maadama ay yihiin wehelka iyo saaxiibka ugu dhow Shacabka.

Qallinka: C/laahi Ruush

Previous Post

Toos u Daawo:-Xuska Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo hadda ka socota Muqdisho

Next Post

Baydhaba oo laga xusay Maalinta Booliska Soomaaliya

Next Post
Baydhaba oo laga xusay Maalinta Booliska Soomaaliya

Baydhaba oo laga xusay Maalinta Booliska Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si cad u sheegay in maamulka uu go’aansaday in uu...

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

May 14, 2025
0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka...

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In