Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqolaal Soomaali ah oo caafimaad darro ku heysata xabsiyada dalka Sacuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Boqolaal Soomaali ah oo caafimaad darro ku heysata xabsiyada dalka Sacuudiga

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada ku yaala dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in dhibaatooyin ad u daran ay ku heysato jeelasha ay ku jiraan, ayagoo dowladda Soomaaliya ka codsaday inay ku dadaasho sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen.

Mid ka mid ah dadka ku xiran xabsiga ku yaala magaalada Jidah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Xaji Cali, isla markaana la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dadka ku jira xabsiga ay xaaladooda nololeed aad u liidato.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Waxaanu nahaay dadkii laga soo qab qabtay magaalooyinka dalka Sacuudiga, waxaan isugu jirnaa 300 oo grag ah, 300 oo dumar ah iyo 100 carruur ah, runtii inta badan xaalado caafimaad darro ah ayaa heysata,” ayuu yiri Axmed Maxamed.

Axmed ayaa sheegay in dhibaato u badan xanuuno iyo dawo la’aan heysato aawadeed uu ugu dhintay xabsiga dhexdiisa wiil Soomaaliyeed kadib marki uu waayey daryeel caafimaad.

“Waxaan dowladda ka codsaneynaa in nagala saaro xabsiyada dalka Sacuudiga, waxaan u baahanahay in wax naloo qabto oo dadka xanuunsan la daweeyo, isla markaana dib dalkeenii naloogu soo celiyo, si aan u helo xoriyad waayo halkan dhibaatooyin badan baanu ku qabnaa’’ ayuu yiri Axmed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Barnaamijka Kulanka todobaadka oo looga hadlay Hindise sharciyeedka maareynta shidaalka iyo arrimo kale “Dhageyso”

Next Post
Barnaamijka Kulanka todobaadka oo looga hadlay Hindise sharciyeedka maareynta shidaalka iyo arrimo kale “Dhageyso”

Barnaamijka Kulanka todobaadka oo looga hadlay Hindise sharciyeedka maareynta shidaalka iyo arrimo kale “Dhageyso”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In