Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqolaal Xujey ah oo loo qeybiyey Baasabooradooda una diyaar garoobay Xajka “SAWIRRO” 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Boqolaal Xujey ah oo loo qeybiyey Baasabooradooda una diyaar garoobay Xajka “SAWIRRO” 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolal Xujey ah ayaa sanadkani ka baxaysa dalka Maraykanka, iyadoo la dareemayo diyaar garow xoogan, ilaa 2,00 oo Xujey ah ayaa isugu yimid Masaajidka Abuubakar Asadiiq ee ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, halkaasi oo loogu qeybiyey fiisooyinkooda.

Sheekh Cabdirisaaq Xaashi oo ka mid ah Culimada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in tiro badan oo Soomaaliyeed ay maanta gacantooda ku heystaan baasabooradooda, isla markaana ay aadayaan Xajka si ay usoo gutaan Rukni weyn oo ka mid ah shanta Tiir ee Islaamka, wuxuuna warka intaasi ku daray in Xajka ay waajib ku tahay Qof walba oo awoodi kara, wuxuuna ugu baaqay Umdada Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan fursadaha ay u heli karaan in ay soo xajiyaan

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar oo ah Imaamka Misaajidka Abuukar Asadiiq ayaa u mahad caliyey Maamulka iyo howl wadeenada Minahajj oo isku howlay in ay caawiyaan Xujeyda isla markana ay ku daraan Culimo horkacaysa si loo saxo sharuudaha Xujeyda laga doonayo, Wuxuuna intaasi ku daray in Xajka markiisa hore loo lugeyn jiray, balse hadda diyaarad loo raacayo, sidaasi darteed waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo awoodi karaan in ay soo xajiyaan balse ka gaabiyey wuxuuna ugu baaqay dadka awoodi kara in ay gaaraan xajka soona gutaan waajibka lagu leeyahay.

Cabdulaahi Xaaji Warsame oo ka mid ah howl wadeenada Minahajj ayaa sheegay in 200 oo Xujey ah ay u dhameeyeen howlahooda isla markaana ay ka ambabixi doonaan Garooka diyaaradaha ee Minneapolis, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in shuruudaha Xajka loo baahan yahay in la barto si Xujeyda ay Xajkooda loo aqbalayo wuxuna warka intaasi ku daray in ay diyaariyeen Minahajj Culumo Soomaaliyeed oo horkici doonto Xujeyda.

Tiro ka badan saddex milyan oo Muslimiin ah, ayaa sanadkan la fillayaa inay Xajka taggaan, iyagoo ka imaanaya Daafaha adduunka Xajka waa rugni ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

 _MG_2203 _MG_2204 _MG_2208 _MG_2210 _MG_2212 _MG_2225 _MG_2226 _MG_2263 _MG_2266 _MG_2269 _MG_2270Liban Hussein

[email protected]

Minneapolis, USA

Previous Post

Maxamed Cali Americo oo lagu soo dhaweyey Holland “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In