Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada iyo hay’adaha samafalka oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Bulshada iyo hay’adaha samafalka oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho ay saxaafadda ugu qabteen guddiga gurmadka Abaaraha ee dowladda Soomaaliyeed iyo Ururada bulshada rayidka kadib kulan ay yeesheen oo ay uga hadleen abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka oo ay biyo la’aanta ugu horeyso iyo sidii wax looga qaban lahaa dadka ay abaarta saameeysay.

Cabdullaahi Axmed Shirwac oo ah Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay roob doon sameeyaan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u gurmadaan dadka ay abaarta saameysay.

“Waxaann ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed gudaha jooga iyo qurba joogtaba in ay wax Allaale wixii ay u qaban karaan dadkaasi Soomaaliyeed u qabtaan’’ayuu yiri Sheekh Nuur.

Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdirashiiid Maxamed Xidig ayaa ugu baaqay hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah si loogu gurmado dadka ay abaaraha saaameeyeen

“Hay’adha caalamiga iyo kuwa gudaha ee dalka joogaa in sodonka Maarso ay shir isugu yimaadaan oo la arko hay’ado iyo NGO oo diyaar u ah in ay dadka wax u qabtaan waxayna dalka u joogaan in ay dadka wax u qabtaan’’ayuu yiri Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in guddigan ay ka hadleen sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaarahan saameeyeen.

“Waxaan ka tashanay sidii dadka Soomaaliya iyo dowladuba ay ugu gurman lahaayeen dadka dhibaateysan iyo sidii dalka oo dhan meelaha ay abaaraha ka jiraan gurmad loo gaarsiin lahaa’’ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim ‘’Fargeeti’’ ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaarisay lacag dhan hal milyan oo doolar si wax loogu qabto dadka ay abaaraha saameeyeen.

‘Dowlada Soomaaliya waxa ay dadkaasi ugu talo gashay hal milyan oo dolar si dadka ay abaaruhu saameeyeen wax loogu qabto” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Maaliyadda.

Abaar saameysay dadka iyo duunyada ayaa waxa ay ka jirtaa qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaana looga fadhiyaa dadka soomaaliyeed iyo dowladooda oo iska kaashanaya inay u gurmadaan dadka ay abaartu saameysay.

DSC00340 DSC00343 DSC00344 DSC00345 DSC00346 DSC00347 DSC00348 DSC00349 DSC00350 DSC00351 DSC00352 DSC00354 DSC00356 DSC00357 DSC00360 DSC00362 DSC00364 DSC00365 DSC00368 DSC00370 DSC00371 DSC00372 DSC00373 DSC00374 Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Kulan ka dhan ah Monitoring group oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo uga Mahadceliyey Dawladda Talyaaniga taageerada ay siinayso Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Cumar oo uga Mahadceliyey Dawladda Talyaaniga taageerada ay siinayso Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Cumar oo uga Mahadceliyey Dawladda Talyaaniga taageerada ay siinayso Soomaaliya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In