Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Waddo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Bulshada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Waddo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Injineerada ku howlan dhismaha waddada isku xiri doonto Hobyo iyo Muqdisho ayaa maanta faah faahin ka bixiyay halka ay mareyso dhismaha waddadaasi oo dhawaan la dhagax dhigay, kaddib markii ay maanta halkaasi booqdeen waxgarad, culimaa’udiin, aqoonyahanno iyo abwaanno xilli ay socotay howlaha lagu dhisayo waddada isku xirta labada magaalo.

Dhismahan waddadan oo dhirirkeedu yahay 560km ayaa waxaa ka shaqeynayay gawaarida dhismaha sida cagaf cagaf, iska rogeyaal iyo gaadiid kale oo qeyb ka ahaa howlaha lagu dhisayo waddada isku xiri doonto Hobyo iyo Muqdisho.

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Eng, Xasan Maxamed oo ka mid ah quburada dhismaha waddadaasi ayaa tilmaamay in ay meel fiican u mareyso bilowga dhismaha wadddada isku xiri doonto Hobyo iyo Muqdisho.

Sheekh Xasan Caddow, Sheekh Cumar Xerow iyo Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar oo ka mid ah mashaa’iqda ugu caansan oo si wada jir ah uga hadlay goobta ay howsha ka socoto ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dhismaha waddadan, maadaama ay tahay mid danguud ah.

Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow oo gabo gabadii goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in diinta Islaamka ay na fareyso in bulshada ay ka qeyb qaataan dhismooyinka danta guud, isla markaana uu shacabka ka codsadayo inay door ku yeeshaan dhismaha danta guud.

Qaar ka mid ah Abwaanno Soomaaliyeed ayaa goobta ka soo jeediyay tix gabayo ah oo ay ku baraarujinayaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku muujiyay ahmiyadda ay waddadan u leedahay Ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda F. S. oo cambaareeysay weerarki argagixiso ee ka dhacay magaalada Ankara

Next Post

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamanka oo London uga qeybgalay shirka baarlamaannada caalamnka “Sawirro+Dhageyso”

Next Post
Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamanka oo London uga qeybgalay shirka baarlamaannada caalamnka “Sawirro+Dhageyso”

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamanka oo London uga qeybgalay shirka baarlamaannada caalamnka "Sawirro+Dhageyso"

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In