Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshadda Xeraale iyo Huurshe oo Heshiis rasmi gaaray “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Bulshadda Xeraale iyo Huurshe oo Heshiis rasmi gaaray “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howl-wadeenno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud uga qayb galay saxiixa heshiis lagu adkeynayo amniga oo qayb ka ah qorshaha dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee magaalada Dhuusamareeb ay ku kala saxiixdeen bulshada ku nool Xeraale iyo Huurshe.

La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, ahna xariiriyaha tubta siyaasadda loo dhanyahay, Prof. Yaxye Cali Hareeri, ayaa munaasabadda ka aqriyay heshiiska oo ka kooban 10 qodob, ayna saxiixeen guddigii loo xil saaaray dhammeystirka heshiiska nabadda ee reer Xeraale iyo reer Huurshe.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Dhammaan dhinacyadii munaasabadda saxiixa xeerka ka hadlay oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin heshiiska la gaaray, ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay geeddi socodkii guulestay ee nabadda bulshada deegaannada Xeraale iyo Huurshe.

Xildhibaan Zakariye Xasan Gaashaan oo kamid mudanayaasha deegaan doorashadoodu tahay Xeraale oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay wadajir uga qayb qaataan ilaalinta heshiiska maanta la saxiixay, si horumar loo gaaro, looga baaqsado dib-u-dhac soo gaara bulshada iyo deegaanka.

Dadaallo nabadeed oo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre soo billaabay dhammaadkii bishii June ee sannadkaan ayaa bishaan horraanteedii guul ku soo dhamaaday, waxaana magaalada Dhuusamareeb lagu saxiixay heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyay sannaddo colaad dhiig badan ku daatay uu u dhexeeyay bulshada ku nool Xeraale iyo Huurshe, arrintaas oo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ay wadajir usoo dhaweeyeen.

Previous Post

Madaxweynaha Bangiga Adduunka hanaanka maaliyadeed ee dalka isaga oo lakulmay Madaxweyne Farmaajo “Sawirro”

Next Post

Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran ee Caasimadda+Sawirro

Next Post
Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran ee Caasimadda+Sawirro

Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran ee Caasimadda+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In