Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Buulo Burte: Ciidamada Xoogga oo toogtay nin dhawaan dil u geystay askari ka tirsan AMISOM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ay ka sameyeen duleedka Bari ee magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan, waxa ay toogasho ku dileen nin dhawaan dil u geystay askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan ciidamada Jabuuti.

Ninka ay ciidamada toogteen ayaa isku dayay in uu iska caabiyo ciidamada oo doonayay inay nolosha ku soo qabtaan, waxaana ciidamada u suurta gashay inay goobta ku toogtaan, kaasi oo meydkiisa la keenay magaalada Buulo burde iyo qorigii uu ka dishay askarii ka tirsanaa AMISOM.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 21aad Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleystaan inay toogtaan ninkii ka dambeeyay falka dilka ah, waxana uu intaa ku daray in maalinta beri ah ay Maxkamadda soo taagi doonaan mid kale oo falkaasi lagu tuhmayo.

β€œFalka dilka ah ee Askariga AMISOM waxaa la geystay Arbacadii, waxaana jirtay in magaalada ay soo gaareen wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi kale oo dhanka Beledweyne ka socday, runtii Maxkamadda ayaa go’aamisay in la soo qabto saddex nin oo kiiska loo heysto, labo ka mid ah waa ay baxsadeen, halka mid kale la qabtay, labada baxsatay mid ka mid ah ayay ciidamada ka daba tageen oo ay toogteen markii uu diiday in uu isu dhiibo, meydkiisa magaalada ayaa la keenay iyo qorigii uu ka dishay Askariga Jabuutiyaanka ah” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Qeybta 21aad.

Ninka ay ciidamada toogteen ayaa ka mid ahaa ciidamada balse si hoose ula shaqeynayay argagixisada Al-Shabaab, taasi oo keentay in uu geysto falkaasi dilka ah, balse ciidamada xoogga ayaa soo afjaray arrintaasi

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii Imadadaali Ee Radio Muqdsiho Oo Xiise Gaar Ah Leh

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In