Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabdi qeybdiid oo ku booriyay qeybaha bulshada ee Gaalkacyo inay la shaqeeyaan Maamulka cusub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Cabdi qeybdiid oo ku booriyay qeybaha bulshada ee Gaalkacyo inay la shaqeeyaan Maamulka cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kaddib kulan balaaran oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay ka qeyb galeen boqalaal dadweyna oo ka kala socday bulshada qeybahooda kala duwan, mas’uuliyiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad gobaleedka cusub ee Galmudug ayaa maanta Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu kula dar daarmay bulshada Galmudug in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado ee gobalka Galguduuud.

Duqa degmada galkacyo Bile Diini Cali oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ayaa sheegey in maamulkii hore Galmudug waxyaabo badan uu ku guuleystay, isla markaana bogaadiyay isku duubnida bulshada Gobollada Mudug iyo Galgaduud ku nool

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

β€œWaxaa la ogyahay qofkasta oo dalkaan wax u qabtay ama dhibaateeyay taariiqdaa xuseeysa Cabdi Qeybdiid mudadii uu hogaaminayay Galmudug, wuxuu reebay taariikh aan la halmaami karin shaacabka reer Galmudug, qaasatan shacabka reer Gaalkacyo ee aan anigu hogaaminayo wuxuu nooga tagay taariikh aan sheegi doono waligeen taalo inaan u dhisno ayuuna ku muteeysan doonaa” ayuu yiri Duqa Gaalkacyo.

Kulankan oo intuu socday ay ka hadleen siyaasiyiin waxgarad iyo
bulshada qeybahooda kala duwan ayaa dhamaantood waxa ay ku amaaneen
madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxqabadka
horumarka leh ee uu ku tallaabsaday maamulkii u hogaanka u hayay sida
dhismaha xarumaha maamulka, dhisnaha xarumaha adeega bulshada, tayeeynta ciidamada iyo tababaradooda
Madaxweynaha hore ee galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa
ka hadlay inta badan daadalkii loo soo galay sidii loo heli lahaa dowlad gobaleed dhameeystiran oo ay yeeshaan daka Gobalada dhaxe, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shacab ka Galmudug in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee
dowlad goboleedka Galmudug.

β€œRuntii Galmudug waxay soo gashay halgan dheer magaca Galmudugna waa
sagaal jirsaday, intaasna waxaa soo daadihinayay waxgaradka iyo shacabka Galmudug, aniga meel danbe oo seeynta ah ayaan uga soo dhagay waxaan soo raacay markeey lix jirsatay Galmudug maalintaa imid oo aad i doorateen xoolo ma wadan hubna mawadan lafaheeygaan keenay, maanta oo aan xilkii ka dagayna xoola ma wato, hubna la tagi mayo, waxaa la qabtay wax badan oo aan lasoo koobi karin ujedkeenuna wuxuu ahaa sidii meel la isugu keeni lahaa bulshada ku nool Gobalada Mudug iyo Galguduud β€œ ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.
Doorashadi dhawaan ka dhacday magaalada Cadaado ayaa xilka Madaxweynaha Galmudug ku guuleystey Cabdikariin Xuseen Guuleed taasi oo muujinaysa isbedelada dhanka Federaalka ah oo dalku ku talaabsanayo.

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo tababar u soo xiray howlwadeenno caafimaad β€œSAWIRRO

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo tababar u soo xiray howlwadeenno caafimaad β€œSAWIRRO

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo tababar u soo xiray howlwadeenno caafimaad β€œSAWIRRO

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In