Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabdullaahi Xayir Ducaale oo furay tababbar la xariira tabinta Sheekooyinka Maxkamadaha

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Cabdullaahi Xayir Ducaale oo furay tababbar la xariira tabinta Sheekooyinka Maxkamadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Dowladda Federaalka ah mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka hadlay furitaanka tababbarka ku saabsan habka ugu wanaagsan ee warbaahintu u tebin karto sheekooyinka Caddaaladda ee haweenka gaar ahaan dhanka Maxkamadaha.Wariyaasha ka qeybgalaya tababbarka u ayuuna u sheegay inow Garsoorka uu ka mid yahay tirarka ugu muhiimsan ee nolasha dadka.

“Waxaan rejenayaa in cilmiga ay ka bartaan weriyeyaasha tababbarkaan ay dib ugu celiyaan bulshada oo ay soo bandhigaan warar sugan oo ku saabsan Caddaaladda,Wariyuhu waa in uu san wax kasto sii deynin, oo uu ka fekaraa waxa uu qoraayo, markii aad maxkamad warkeeda tabineyso waa in aadan waxba ka badalin,” ayuu yiri Mudane Xayir.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Garyqaan Saalax Cali Maxamuud oo bogaadiyay tababarkan ee soo qaban qaabisay MWN( media Woman Network), ayaa ka qeybgalayaasha uga warbixiyay kaalinta ay ku leeyihiin in mar kasta uu sarreeyo sharaciga iyo Caddaaladda.

Waxa uuna yiri “Wariyaha tabinaayo war ama sheeko ku saabsan arrimaha garsoorka waa in uu xog ka hayo dhammaan dhinacyada uu khusayso kiiska uu rabo in uu la wadaago dadka, waxaan idiin ballan qaadayaa inaan idin geyn doono dhammaan xafiisyada si aad u ogaataan wax ka soconaya iyo sida garsoorka u shaqeeyo,” Ayuu yiri Garyqaan Saalax.

Weriyayaasha ayaa la barayaa habka ugu fudud ee xog raadinta Caddaaladda haweenka, cidda ay ka heli karaan iyo mawduucyo ku saabsan sharciga aas-aasiga ah ee maxkmadaha.

Tababarkaan oo qayb ka ah tababarro ay MWN( Media Women Network) ku qabanayso magaalooyin kala duwan, ayaa la filayaa inuu fure u noqdo in shacabku helaan xog ku filan oo garsoorka ah.

Weriyayaasha iyo warbaahinta ayaan inta badan tebin sheekooyinka la xiriira maxkamadaha gaar ahaanna kiisaska iyo dacwadaha ku saabsan arrimaha haweenka. Caqabadaha xog yari ee garsoorka ayaa loo sababaynaya waxyaabo kala duwan oo ku gadaaman oo ay ka mid tahay in weriyeyaasha aysan heli tababbarro noocaan oo kale ah.





Previous Post

Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dardar uga socda Jubbaland

Next Post

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay hindise sharciyeedka Diiwaangelinta Dadweynaha 

Next Post
Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay hindise sharciyeedka Diiwaangelinta Dadweynaha 

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay hindise sharciyeedka Diiwaangelinta Dadweynaha 

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In