Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabsi laga qabo in markale uu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle ee Beladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo kaalmo gaarsiiyay dadkii ay saameeyeen fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mnaamulka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan Beladweyne ayaa markale cabsi ka qaba in uu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle kaddib markii maalmahan uu roob xoog leh ka da’ayay Gobolka, isla markaana uu webiga biyo horleh la ciir ciirayo.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay jiraan xaafado ka mid ah magaalada oo biyo horleh soo galay, kaddib markii Webiga Shabeelle uu soo buuxiyay, dadkuna ay weli ka maqanyihiin magaalada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa xusay in muddo saddex maalin ah uu xirnaa garoonka diyaaradaha sababo roob ka da’ay Beladweyne awgeed, ayna rajeynayaan in maalinta beri oo khamiis ah uu garoonka dib u bilaabi doono adeegyadiisa, isagoo ntaa ku daray inay jiraan cabsi laga qabo fatahaad kale oo horleh.

“Cabsi ayaa jirta, cabsidana waxaa keenay in webiga uu markale biyo keenay, runtii roobkii dhawaan ka da’ay Beladweyne waxa uu ahaa mid saacado badan qaatan, taasi oo keentay in webiga uu biyo keeno”.ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Saciid Cabdi Xasan oo ka mid ah dadka beeraleyda ee ku nool magaalada Beladweye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in webiga uu keenay biyo cusub, isla markaana dadku ay ka walwalsanyihiin fatahaad kale oo ka dhasha biyaha,

Saciid ayaa xusay in xaafadaha qaar ee magaalada Beladweyne ay biyo fadhiyaan, isla markaana ur darteed aan la geli karin.

Dr Axmed Khaliif Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in fatahaadda webiga Shabeelle ay ka dhasheen cudurro ay ka mid yihiin nafaqo darri soo wajahday carruurta iyo dadka da’da ah iyo kuwa kale oo ku dhaca dheefshiidka.

Dr Axmed Khaliif ayaa xusay inay wacyigelin siiyaan bulshada magaalada, si looga hortago cudurada ka dhalan kara biyaha wasaqeysan ee magaalada fadhiya., dadkuna ay biyaha iska karkariyaan.

“Dadka reer Hiiraan waxaan farayaa inay is caawiyaan, runtii dad badan oo Soomaaliyeed oo meelkasta ka kala yimid ayaa caawiyay walaalahooda, iyagana dhankooduna waan baraarujinayaa, waa in laga fekaro mustaqbalka sidii laga yeeli lahaa biyaha marna la weynayo ee baar noqoneyso, marna biyo baxo looga cararayo magaalada, sidoo kale dadku inay biyo nadiif ah cabaan, maadaama musqulihii iyo biyaha fatahaadda ay isku darmeen kuwaasi oo magaalada weli dhexyaalo xaafadaha qaar” ayu yiri Dr Axmed Khaliif.

 

Previous Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo guddi gaar ah u saaray fatahaadda Afgooye

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In