Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabsi laga qabo in markale uu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle ee Beladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo kaalmo gaarsiiyay dadkii ay saameeyeen fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mnaamulka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan Beladweyne ayaa markale cabsi ka qaba in uu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle kaddib markii maalmahan uu roob xoog leh ka da’ayay Gobolka, isla markaana uu webiga biyo horleh la ciir ciirayo.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay jiraan xaafado ka mid ah magaalada oo biyo horleh soo galay, kaddib markii Webiga Shabeelle uu soo buuxiyay, dadkuna ay weli ka maqanyihiin magaalada.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa xusay in muddo saddex maalin ah uu xirnaa garoonka diyaaradaha sababo roob ka da’ay Beladweyne awgeed, ayna rajeynayaan in maalinta beri oo khamiis ah uu garoonka dib u bilaabi doono adeegyadiisa, isagoo ntaa ku daray inay jiraan cabsi laga qabo fatahaad kale oo horleh.

“Cabsi ayaa jirta, cabsidana waxaa keenay in webiga uu markale biyo keenay, runtii roobkii dhawaan ka da’ay Beladweyne waxa uu ahaa mid saacado badan qaatan, taasi oo keentay in webiga uu biyo keeno”.ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Saciid Cabdi Xasan oo ka mid ah dadka beeraleyda ee ku nool magaalada Beladweye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in webiga uu keenay biyo cusub, isla markaana dadku ay ka walwalsanyihiin fatahaad kale oo ka dhasha biyaha,

Saciid ayaa xusay in xaafadaha qaar ee magaalada Beladweyne ay biyo fadhiyaan, isla markaana ur darteed aan la geli karin.

Dr Axmed Khaliif Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in fatahaadda webiga Shabeelle ay ka dhasheen cudurro ay ka mid yihiin nafaqo darri soo wajahday carruurta iyo dadka da’da ah iyo kuwa kale oo ku dhaca dheefshiidka.

Dr Axmed Khaliif ayaa xusay inay wacyigelin siiyaan bulshada magaalada, si looga hortago cudurada ka dhalan kara biyaha wasaqeysan ee magaalada fadhiya., dadkuna ay biyaha iska karkariyaan.

“Dadka reer Hiiraan waxaan farayaa inay is caawiyaan, runtii dad badan oo Soomaaliyeed oo meelkasta ka kala yimid ayaa caawiyay walaalahooda, iyagana dhankooduna waan baraarujinayaa, waa in laga fekaro mustaqbalka sidii laga yeeli lahaa biyaha marna la weynayo ee baar noqoneyso, marna biyo baxo looga cararayo magaalada, sidoo kale dadku inay biyo nadiif ah cabaan, maadaama musqulihii iyo biyaha fatahaadda ay isku darmeen kuwaasi oo magaalada weli dhexyaalo xaafadaha qaar” ayu yiri Dr Axmed Khaliif.

 

Previous Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo guddi gaar ah u saaray fatahaadda Afgooye

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In