Wasiirka wasaaradda beeraha dhirta iyo daaqa ee Galmudug Axmed Nuur Cusman Xaaji, xil dhibaan Cabdullahi Cumar Geese, xilshibaan Cabdi Takiye, Agaasimaha Madaxtoyada Galmudug Cisman Macalin, Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdulahi Cabdirahman ”Tootoole” iyo Agaasimaha Mashruuca Biyoole ee Galmudug, ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey dhagaxdhigga dhismaha beerta tijaabada iyo tababarka beraleyda,taas oo laga hirgaliyay magaalada Cadaado.
Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah ururada bulshada,waxaa ka hadlay, Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdulahi Cabdirahman ”Tootoole” kaas oo ugu horeeyn ka warbixiyay dhulka uu ku wareejiyay Wasaarrada Beeraha Galmudug.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay, Xildhimaan Cabdi Takiye oo katirsan Barlamaanka Galmudug ,isagoo dhankiisa soo dhaweeyay dhagax dhiga Beerta Tijaabada iyo Tababarka beeraleyda Galmudug.
Ugu dambeyn Wasiirka wasaaradda beeraha dhirta iyo daaqa Galmudug Axmed Nuur Cusman Xaaji ayaa ka warbixiyay qorshaha loo dhisayo Beerta iyo muhiimadda ay u leedahay beeraleyda iyo guud ahaan gobolka.
Dhulka loogu talagalay beerta tijaabada oo cabir ahaan gaaraya 2-KM ayaa waxaa bixiyay maamulka Degmada Cadaado waxaana loogu talagalay in laga dhiso Beerta tijaabada iyo Tababarka beraleyda Galmudug .