Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cadale oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Cadale oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Cadale iyo kan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ku guuleystay in qeybo ka mid ah degmadaasi dhawaan laga hirgeliyay Nalalka Cadceeda ku shaqeeya.

Maamulka oo kaashanaya Bulshada degmada ayaa soo abaabulay xaflad balaaran oo loogu dabaal dagayay Horumarka ay ku talaabsatay degmada, barnaamijka Is dhexgalka Bulshada oo mudo ka socday degmadaas iyo hirgelinta nalalka cad ceedda ku shaqeeya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

​Xafladda waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidanka Xooga dalka ee Gobolka Shabeelada Dhexe, Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Degmada Cadale, madaxda bulshada rayidka ee degmada iyo Dadweyne aad u fara badan.

Waxaana Xaflada ka hor Dhalinyada degmadu ay wada ciyaareen kulan saaxiibtinimo oo loogu magacdaray Cayaariha Nabada, Waxaana bilowgii xaflada uu Maamulka Degmada uu  ku booriyay bulshada iney ka qeyb qaataan Horumarka dalka.

Gudoomiyaha Degmada Cadale Muxudiin Suudi Macalim ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay hirgelinta mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo degmada.

“Degmada Cadale waxey ku tilaabsatay horumar waxaana sabab u ah bulshada reer Cadale oo muujiyay isku duubnaan iyo karti waxaan balan qaadeynaa inaan sii wadno howlaha, waxaana hubaal ah in gacanta dowladda ay idin soo gaari doonto”.ayuu yiri Guddoomiyaha

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka ee Gobolka SHabeelada Dhexe Gaashaanle Dhexe Cabqaadir Nuur Qoondhe ayaa ku bogaadiyay Maamulka degmada sida uu uga shaqeynayo Horumarinta iyo Bilic soo celinta Degmada.

Bulshada ku dhaqan Degmada ayaa iyana si weyn usoo dhaweeyay Horumarka ey degmada ku tilaabsatay iyagoo tibaaxay in ay ku diirsadeen Nidaamka dowladnimo ee gaaray degmadaasi.

Degmada Cadale ayaa ka mid ah degmooyinka kasoo kabanaya kadib markii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo hada degmadaasi laga dareemayo horumar baaxad leh oo dhinac walba leh.

3V3A0892 3V3A0971 3V3A0975 3V3A1102 3V3A1124 3V3A1131 3V3A1133 3V3A1310 3V3A1312

.

Previous Post

Mashruuca Tamar ka dhalinta Cadceedda oo laga hirgeliyay 8 isbitaal

Next Post

Maamulka gobolka Banaadir oo mar kale ku baaqay bixinta canshuurta guryaha

Next Post
Maamulka gobolka Banaadir oo mar kale ku baaqay bixinta canshuurta guryaha

Maamulka gobolka Banaadir oo mar kale ku baaqay bixinta canshuurta guryaha

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In