Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cafis waa caafimaad “Cafis iyo Masaamax”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Cafis waa caafimaad “Cafis iyo Masaamax”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cafiska ayaa ah habka kaliya ee ugu fudud oo marka la sameeyo horay loo sii socon karo, laguna iloobi karo wax kasta oo horay u soo kala dhexmaray labo shaqsi, laba koox iyo wixii la mid ah, sidaasi darteed waxaa muhiim ah in qof kasta uu masuuliyad gaar ah iska saaro inuu hormuud u noqdo iscafinta dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ilaa iyo 12-Malyan oo Soomaali  ah, Xigto iyo Xigaal ah, isku Diin ah sidoo kalana isku Af ah, bal qiyaas haddii qof kasta uu qaato masuuliyad shaqsi ah oo uu Cafiyo walaalkiis maxaa dhicikara.? Jawaabtu waxay tahay inaan heli karno Soomaali isjecel oo mid ah.

Haddaba si aan u gaarno haddafkaas waxaa muhiim ah Qof kasta oo Akhriya warbixintaan ama ay gaarto inuu iska billaabo masuuliyad ah inuu Cafiyo cid kasta uu dhib ka tabanayo Alle dartiis, asna uu cafis waydiisto qof kasta uu aaminsanyahay inuu dhib u gaystay.

Marka aad Cafiso walaalkaa ama koox badan oo dhib kuu gaysatay adiga oo aanan ku raadinayn dan gaar ah laakiin go’aankaas u qaatay Alle dartiis, waxaad helaysaa caafimaad, Qalbigaana wuxuu nadiif u noqonayaa sida Looxa marka qadda laga mayro, laakiin marka aan u wada istaagno dhammaanteen Cafis waxaan noqon doonaa ummad wada caafimaad qabta oo si caafimaad qab ah dunidda oo dhan ula jaanqaada.

Dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen xiliyo adag, waxaa soo dhacay wax badan oo aanan qurxoonayn, laakiin maanta ayaa la-joogaa xilligii la-laabi lahaa baalkaas sidoo kalana la furi lahaa baal cusub oo aan ku qori karno CAFIS IYO MASAAMAX.

28-ka Bishaan June qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka dalka iyo dalka dibadiisa ayaa waxaa ka dhici doona isku soo baxyo lagu muujinayo muhiimadda iscafiska iyo sida loogu baahanyahay in haatan dadka Soomaaliyeed oo dhan iswada Cafiyaan.

Maxamed kaafi Sheekh Abuukar

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 89-aad.+sawirro

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 89-aad.+sawirro

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 89-aad.+sawirro

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In