Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlawe iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa ayaa booqday deegaanno dhawaan laga xoreeyay khwaarijta Al shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Masโuuliyiintaasi oo ay la socdeen saraakiil iyo xubno kale,waxa ay booqdeen deegaanada kala ah Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.
Madaxweynaha HirShabeelle Mudane Guudlawe iyo taliyaha XDS ย ayaa ku bogaadiyay taliska xoogga dalka guulaha uu kasoo hooyay dagaalka ka dhanka ah khawaariyta ee ka socda dalka Soomaaliya.