Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Caqabadaha Waxbarasho ee dalka iyo sida looga gudbi karo oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Caqabadaha Waxbarasho ee dalka iyo sida looga gudbi karo oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan lagu soo bandhigayay daraasad laga sameeyay caqabadaha waxbarasho ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sida lagu xalin karo oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Heritage ee daraasaadka Siyaasadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Wasiirka ku-xigeenka Waxbarashada, Agaasimaha guud, mas’uuliyiinta Machadka Heritage , ,siyaasiyiin, aqoonyahano, bahda waxbarashada, culimaa’udiin, ururrada bulshada rayidka ah iyo arday.

Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan daraasadda uu waxbarashada Soomaaliya ka sameeyay C/llaahi Sheekh Xuseen oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, taasoo ka hadleysay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan caqabadaha hadda jira iyo sida wax looga qaban karo oo ay ugu weyn tahay in la helo siyaasad dhab ah oo waxbarashada dalka ku saabsan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Ka soo qeyb galayaasha oo qeybo kala duwan isugu jiray ayaa waxa ay talooyin ka dhiibanayeen sida daraasadan loo sameeyay iyo qeybaha ay ka koobantahay, waxaana waxyaabaha ka qeyb galayaashu ay ka hadlayeen ka mid ahaa dhibaatooyinka dhinaca manaahijta waxbrashao ee dalka, luuqadaha ardayda Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan ay wax ku bartaan, tayada maclimiinta iyo in ay helaan tababarro xirfadooda kor loogu qaado, in miisaaniyad gaar ah waxbarashada loo helo, imtixaan mideysan in la helo iyo Wasaaradda ay goobaha waxbarashada ku ilaaliso in macalimiintu ay helaan tababarro aqoon kororsi, waxaana talooyinka oo mararka qaar ay su’aalo la socdeen jawaabo ka bixinayay wasiirka waxbarashada.

Kulanka oo qaatay wax ku dhow laba saacadood ayaa waxaa geba gabediisa warbaahinta Qaranka la hadlay C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah agaasimaha Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda

“Warbixinta aad aragteen waxaan diiradda ku saarnay Waxbarashada dalka, caqabadaha aan aragnay waxaa ka mid ah in dalka uusan ka jirin Manhaj mideysan, loona baahanyahay in arrintaasi wax laga qabto iyo in luuqadaha ardayda wax lagu barayo ay caqabad ka jirto” ayuu yiri Cabdirashiid.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Qadro Bashiir Cali oo u mahadcelisay machadka Heritage oo kulankan soo qaban qaabiyay ayaa sheegtay in ay wada tashi la sameyn doonto bahda waxbarashada ,in la dejiyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasad waxbarasho oo degan.

“Waxaan diyaarineynaa sharciga waxbarashada dalka oo aan rabno in aan u gudbino golaha Wasiirada, marka la meel mariyana aan hordhigno golaha baarlamaanka, idinkuna waxaa la idinka rabaa in aad taladiina ku soo biirisaan diyaarinta siyaasadda waxbarashada ee dalka” ayay tiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

???????????????????????????????

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Feereysane)

Previous Post

Hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Kenya “Dhageyso”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 55 GUURADA KA SOO WAREEGTAY AAS AASKA CXDS

Next Post
DAAWO SAWIRRADA XUSKA 55 GUURADA KA SOO WAREEGTAY AAS AASKA CXDS

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 55 GUURADA KA SOO WAREEGTAY AAS AASKA CXDS

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In