Ciidanka booliska ee ka howlgalla saldhiga booliska ee degmada Xamar weyne oo ay wehliyaan Wakiilo ka socday Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahra Cumar Xasan ayaa xalay waxa ay dhallinyaro darbi jiif ah ka soo uruuriyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka benaadir, kuwaasi lagu biirinayo tiro carruur ah oo Marwada Madaxweynaha degmada C/casiis ugu sameysay xarun lagu xanaaneeyo.
Dhallinyarada la soo uruurriyay oo tiradoodu gaareyso 32 oo ay ku jirtay gabar uur leh ayaa wakiiladii ka socday Marwada Madaxweynaha Dalka waxa ay balan qaadeen in daryeel gaar ah loo sameyn doono, iyadoo qaar ka mid ah carruurtii darbi jiifka ahaa ee la soo soo uruurinayay ay gacmaha ku siteen waxyaabaha maanka dooriya.
Qaar ka mid ah carruurta xalay la soo uruuriyay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ay ku sugnaayeen xaalado adag oo xagga nolosha ah, haatanna ay ku faraxsanyihiin in Marwada Madaxweynaha ay ku biiriso xarunta lagu daryeelayo carruurta darbi jiifka ah.
Naleey oo ka mid aheyd Wakiilada ka socday Marwada Madaxweynaha ayaa shegtay in gabadha ka mid ah dhallinyarada xalay la soo aruuriyey daryeel gaar ah loo sameyn doono, isla markaana Marwada Madaxweynaha wado qorshe meeel kale oo gabdhaha danta yar lagu daryeeli doono.