Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Carwada Buugaagta Garoowe “ Wixii qoran baa quruumo hara”

admin by admin
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Carwada Buugaagta Garoowe “ Wixii qoran baa quruumo hara”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Buqcadda Alle dhulkiisa inooga calaamadeeyay ee ku taal geeska Afrika, magaceedana  yahay Soomaaliya, waxa ay rubac dhamaadkii qarnigii ugu dambeeyay ahayd, meel dhibaato baahsani ka jirto, ayadoo sidaas xaalku yahay waxaa gallad eebbe ah, in ummadu Soomaaliyeed ay u diyaar garowday inay duruufahaasi ka gudubto kana shaqayso horumarkeeda. Ka shaqaynta danaha bulshada waxaa dhabarka u ritay qayb ka mida bulshada gaar ahaan Qallin maalka, hal abuurka haweenka iyo dhallinyarada.

Tobankii sano waxaa dalka ka soo if baxay Carwooyin lagu soo bandhigayay buugaag kala duwan oo ay qoreen qorayaal Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro, tii ugu danbaysayna waxaa dhawan lagu qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Punt-land

Related posts

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026

Daahfurka carwada buuggaagta Garoowe: madashaan kulmisay hal-doorkii qallinlayda ummada Soomaaliyeed, waxaa  daah furay Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland ee Soomaaliya.

Mudane Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu aad u amaanay aqoon-yahankii soo abaabulay oo ay ugu horeeyeen, Machadka horumarinta iyo cilmibaarista Soomaaliyeed ee SIDRA. Machadkaan oo muda dheer ka shaqeynayay horumarinta arrimaha bulshadda ayaa waxa uu mudo shan sano ah qabanayay Carwa buuggeedka caalamiga ah ee Garoowe.

Mudane Dani ayaa waxa uu sheegay muhiimada ay leedahay in la garab istaago horumarinta garaadka iyo aqoonta bulshada. Madaxweynaha ayaa waxa uu ku booriyay qalin-maalkii kasoo qeyb galay carwada inay cilmigooda u adeegsadaan waxa dalka iyo dadka badbaadin karo, eek u salaysan sheegidda xaqiiqda.

Hadalka madaxwayne Dani ee furitaanka kadib, waxaa si toosa u furmay carwadii in dhaweydba la wada sugayay, waxaana bilowday in la dhex maquurto doodaha cilmiyaysan. Waxaana ugu horayn la gudagalay dood cilmiyeed  ku saabsanayd dowrka Afkeenna hooyo uu ka qaadan karo horumarinta waxbarashada.

Dawrka Afsoomaaligu ka qaadan karo Horumarinta Waxbarashada:-

Doodaan waxaa ku kulmay aqoon-yahan ku xeel-dheer afka iyo waxbarashadaba, aqoon-yahankaan ayaa si muuqata uga hadlay sida ay muhiim u tahay in afka hooya wax lagu barto, taasina waa arin horay loogu guulaystay  xiligii  todobaatameeyadii .

Doodaas  oo aad u faa’iido badnayd ayaa waxaa ka qayb qaatay aqoon-yahan gayiga Soomaalida aad looga yaqaan waxaana ka mida, Injineer Cabdifitaax Cabdullaahi Muuse, Pro. Max’ed Daahir Afrax iyo kuwo kale.

Inta ay socotay carwada buuggaagta waxaa si mug leh looga dooday sida ay muhiim u tahay in markasta laga shaqeeyo horumarka dalka Soomaaliyeed dhankastana laga maro. Iyadoo arintaas laga duulayo ayaa waxaa laga dooday dhinacyo badan, waxaana ka mida doodahaa sida muuqatay looga dooday dowrka gabdhaha qorayaasha ah ku leeyihiim kobcinta garaadka bulshada.

Dawrka Gabdhaha Qorayaasha ee Kobcinta Garaadka Bulshada.

Carwada buuggaagta Garoowe ayaa waxaa si qurux badan la isku dhaafsaday, aqoon mug leh, taasoo aqoon-yahanki iyo bulshadi ka soo qayb-gashayba ay ka faa’iideysteen.

Waxaana dhanka kale si hagar la’aan ah loogu soo bandhigay, buuggaag ka hadlayay arrima kala gadisan, sida buugaag cilmi ah, taariikh, siyaasad, sheekooyin iyo kuwa kale. Carwada waxaa sidoo kale qayb ka ahaa bandhigyo dhaqan iyo suugaan isugu jiray oo si farshaxan leh loo soo agaasimay.

Carwadaan waxaa kasoo qeyb-galay  Qallin- maalka  iyo aqoon yahanka ummada Soomaaliyeed, oo meela kala duwan isaga yimid.

 Gunta iyo gabagabada Qormadayda ayaa waxaan soo qaadanayaa murtidii Soomaaliyeed ee ahayd“Wixii qoranbaa quruuma haree alla!! Hadal muxuu qiima leeyahay”. Oraahdaan qiimaha badan, waxa ay ina tuseysaa muhiimada uu leeyahay dhigaalka sooyaalka ummadeed.

 W/D: Daljir C. HalgameEmail:  [email protected]

waxaa dib u habeeyay: Abuukar Gobdoon

Xigasho:SONNA

Previous Post

Ciidamada DANAB oo Miinooyin badan ka saaray Wadooyinka ka baxa degmada Aw-dheegle

Next Post

Guddoonka Golaha Shacabka JFS oo Shaaciyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka

Next Post
Guddoonka Golaha Shacabka JFS oo Shaaciyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka

Guddoonka Golaha Shacabka JFS oo Shaaciyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In