Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada oo Muqdisho laga furay

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada oo Muqdisho laga furay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka ayaa maanta ka furantay hotelka Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho, taas oo soo bandhigeysa horumarka ay bulshadeenu ka sameeyeen isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

Carwadan waxaa loogu talo galay inay noqoto dhacdada ugu weyn ee ay ku kulmaan dhammaan daneeyeyaasha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka, sida shirkadaha isgaarsiinta, internet-ka, shirkadah sameeya website-yada iyo barnaamijyada, fikradaha cusub ee dhinaca Teknoolojiyada, jaamacadaha bixiya aqoonta ICT iyo hay’adaha dawladeed ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada. Waxaa carwadan dhinaca farsamada ka caawinaya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.

Carwadan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 60 shirkad, jaamacad iyo hay’ad dawladeed, waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay iibiyaan, waxayna fursad u helayaan sidii ay isku baran lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen. Carwadan oo dadweynaha u furan 16ka iyo 17ka Oktoobar, subaxii 9ka subax illaa 5ta galabtii, waxay dadweynuhu sidoo kale ka qeybgali karaan aqoon-isweydaarsiyo, iyadoo sidoo kale lagu guuleysanyo deeqo waxbarasho iyo agab kale sida laptop, talefoonnada gacanta, internet modems, iwm.

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka la taaban karo ee ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ka sameysay dhinacyada ansixinta sharciga, aasaasitaanka Hay’adda Isgaarsiinta, astaanta internetka, isagoo sheegay in xogta ay ururiyeen ay muujineyso in Soomaaliya horumar muuqda ay ka sameyneyso isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu taageereyso bandhigyada noocan oo kale ah, maadaama ay u xilsaaran tahay inay jiheyso, oo isku xirto, bahda isgaarsiinta iyo teknoolojiyada. “Dhamaan ka qeyb galayaasha waxa ay fursad u heli doonaan in ay isku bartaan, wada ganacsadaan, la socodaan howlaha dowladda, sidoo kalena ay muuqato cudadda iyo xoogga suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu yiri wasiirka.

Ras’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Md Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo carwada si rasmi ah u furay ayaa sheegay in isgaarsiinta iyo teknolojiyadu gaareen meel aanay cidina ka maarmi oo nolosheena ka mid ah. Wuxuu intaas ku daray in carwadan ay soo bandhigi doonto wajiga kale ee Soomaaliya ay leedahay.

Previous Post

Somalia’s first ICT exhibition opens in Mogadishu

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre: Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Xiranyahay Kordhinta Tacabka Iyo Wax Soo Saarka Beeraha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre: Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Xiranyahay Kordhinta Tacabka Iyo Wax Soo Saarka Beeraha

Ra’iisul Wasaare Khayre: Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Xiranyahay Kordhinta Tacabka Iyo Wax Soo Saarka Beeraha

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In