Sunday, July 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Cayaaraha xagaaga ee HIRDA AFT 2015 oo lagu soo gaba-gabeeyay Wadanka Holland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Sida dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Holland aysan ugu biirin xagjirnimada oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Amsterdam ee Wadanka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha xilliga xagaaga ee HIRDA AFT Summer Cup 2015, kaasi oo sanadkiiba mar la qabto,  waxaana sanadkaan ka qeyb-galay, 16-kooxood oo Kubadda cagta ah, kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada kala gedisan ee dalka Holland iyo koox ka timid Magaalada Antwerp ee wadanka Belgium.

Sidoo kale Cayaaraha xagaaga ee HIRDA AFT Summer Cup 2015, ayaa sanadkaan waxaa lagu soo kordhiyay tartanka cayaaraha fudud (Orordka), kaasi oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 30-cayaaryahanno, kuwaasi oo ku kala tartamayay, orodka 1500M, 800M, 400M, iyo 200M, kaasi oo xiiso gaar ah u lahaa dadka xiiseeya Isboortiga, waxa uuna hal ku dhigiisu ahaa (Run For The Dream).

Related posts

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026

Marti-sharaftii Cayaarahaan lagu casuumay oo usoo daawasho tegay ayaa waxaa ka mid ahaa, Fanaanka Qaranka Soomaaliyeed, Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad, Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabbril, Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe), Madaxii hore ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Cabdi Faarax, Madaxii hore ee Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, Yuusuf Garaad, Cayaaryahanadii Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliyeed, Maama Batuulo Xaaji Nuur, Cayaaryahankii Kooxda Wagad, Shamsudiin Xasan Cabdulle (Diinow) iyo dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Kooxihii kasoo qeyb galay Cayaaraha ayaa garoonka Kubada Cagta ee Bijlmer Sportpark, kusoo bandhigay Cayaar wanaag aad uxiiso badan oo soo jiidatay dadweynihii usoo daawasho tagay, iyadoo qeybihii danbe ee cayaaraha ay isugu soo hareen, kooxaha; Amsterdam, Nijkerk, Nijmegen, Zwijndrecht, waxaana Cayaartii Finalka usoo gudbay Zwijndrecht iyo Nijkerk, waxa ayna labadaasi koox daqiiqadihii loogu tala galay cayaarta ku kala baxeen bar-bar dhac, waxaana laad ku laad (Rigoore) loo dhigay ay guusha ku raacday Kooxda Zwijndrecht oo la hooyatay Koobka Cayaaraha HIRDA AFT Summer Cup 2015.

Abaalmarinada Cayaaraha HIRDA AFT Summer Cup 2015, iyo sida loo kala helay.

Tartanka Orodka 1500M;

1- Cabdiraxmaan Maxamed (Bilad iyo Lacag)

2- Suleymaan Cabdi (Bilad)

3- Cabdinaasir Xasan Cawaale (Bilad)

Tartanka Orodka 800M;

1- Cabdiqani Maxamed (Bilad iyo Lacag)

2- Yaxye Cabdullaahi (Bilad)

3- Daahir Xasan Cawaale (Bilad)

Tartanka Orodka 400M;

1- Cabdinaasir Xasan (Bilad iyo Lacag)

2- Nuur Maxamuud (Bilad)

3- Nuur Cumar Yuusuf (Bilad)

Tartanka Orodka 200M;

1- Yaxye Cabdullaahi Mandaliif (Bilad iyo Lacag)

2- Muuse Xasan (Bilad)

3- Cabdilatiif Cabdi (Bilad)

Gabdha kaliya ee ka qeyb gashay tartanka Orodka 200M, oo lagu Magacaabo Naciimo Cabdullaahi Mandaliif, ayaa ku guuleesatay in ay hesho (Bilad iyo Lacag).

Cayaaraha Kubada Cagta.

– Cabdiraxmaan Cago, oo ka tirsanaa Kooxda Venlo, ayaa ku guuleystay Cayaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa Tartanka, waxa uuna helay (Abaal marin iyo Kabo).

– Liibaan Muumin, oo ka tirsanaa kooxda Nijkerk, ayaa noqday Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka, waxa uuna helay (Abaalmarin iyo Kabo).

– Kooxda Nijkerk, ayaa la guddoonsiiyay Koobka Kaalita 2-aad ee tartanka Cayaaraha HIRDA AFT Summer Cup 2015, waxaana koobka Guddoonsiiyay, Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe).

– Kooxda Zwijndrecht ayaa ku guuleysatay Horyaalka Cayaaraha Xagaaga ee HIRDA AFT Summer Cup 2015, waxaana Koobka kaalinta 1-aad guddoonsiiyay, Fanaanka weyn ee Qaranka Soomaaliya, Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad.

Ugu danbeyn Agaasimaha guud ee Hey’adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax, ayaa Hambalyo ujeedisay dhamaan Cayaaryahanadii iyo Kooxihii guusha ka gaaray Tartanka Cayaaraha HIRDA AFT Summer Cup 2015, waxa ayna mahad-celin ujeedisay dhamaan kooxihii, Marti sharaftii, iyo dadweynihii kasoo qeyb galay Cayaaraha xagaaga ee HIRDA AFT.

Cayaarahaan oo ah mid sanadkiiba xilliga kuleelaha mar la qabto, ayaa kusoo idlaaday jawi Isboorti oo dagan, iyadoona Hey’adda HIRDA ay isku diyaarineyso qaban-qaabada Cayaaraha Qaboobaha ee isaguna sanad weliba Bisha December lagu qabto Magaalada Amsterdam.

Salah Hassan Omer (Salah Dheere)

Amsterdam – Netherlands

Email: [email protected]

Previous Post

Wasiir Maareeye “Waxaa jirta cinwaanno been abuur ah oo magacyada Madaxda lagaga been sheegayo”

Next Post

Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma oo Kigali uga qeyb galay shir muhiim ah

Next Post
Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma oo Kigali uga qeyb galay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma oo Kigali uga qeyb galay shir muhiim ah

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee...

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wufuud...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo wefdi heer sare ah oo uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In