Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Cayaartoyda Xulka G/Benaadir oo guul ka gaaray dhigooda Jubbaland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Cayaartoyda Xulka G/Benaadir oo guul ka gaaray dhigooda Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay tartanka kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda Cagta ee Stadium Koonis ee degmada C/casiis.

Cayaarta Xulalka kubadda cagta ee Gobolka Benaadir iyo Jubbaland ayaa waxaa daawashada ciyaarta ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi, Xildhibaanno, Xubno ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Mas’uuliyiin kale.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Tartankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya shanta maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir, kuwaasoo labo qeyb loo kala qeybiyay.

Cayaartoyda Gobolka Banaadir iyo Jubbaland ayaa soo bandhigay cayaar ay aad u jecleysteen kumanaan qof ee ka soo qeyb galay cayaarta, waxaana  ciyaarta qeybtii hore ay ku soo gabo gabowday goolal la’aan.

Cayaarta ayaa waqtigii loogu talaglay waxa ay ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Xulka kubadda Cagta ee Benaadir, inkasta oo Xulka Jubbaland ay sameeyeen dadaalkasta oo ay ku bar bareyn kareen Xulka Benaadir, balse ma aysan noqon.

Xulka Gobolka Benaadir ayaa kulankooda ugu horeeyay ku daah furtay guul ay ka gaareen Xulka Jubbaland.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Next Post

Boliiska Kenya oo toogtay Nin looga shakiyay argagixiso

Next Post
Boliiska Kenya oo toogtay Nin looga shakiyay argagixiso

Boliiska Kenya oo toogtay Nin looga shakiyay argagixiso

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In