Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidamada NISA, Duufaan, Booliska gaarka ah ee Haramacad iyo Ciidanka Xoogga ee Gorgor ayaa howlgal wada jiraย ka fuliyay tuuloyinka saaran Wabiga Shabeellee sida Laanqeerta, Tokiyo, Ceelshalle, Beerta Cali Mahdi iyo Boolo Fooliyo.
Sidoo kale waxaa goobtaas ku taalay Maxkamad macmala oo Argagixisada Al-Shabaab lahaayeen, taasi oo ay bur buriyeen ciidamada, waxaa hawlgalkaas lagu soo qabtay xubno ka tirsan Argagixisada oo dadka masaakiinta ku dhibaataynayey deegaanadaas.
Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii tuulooyinka ku teedsan Webiga Shabeelle looga cirib tiri lahaa argagixisada Al-Shabaab.