Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada ammaanka oo toogtay dhagarqabe askari ku dilay Garasbaaley

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey xubin ka tirsan agagixisada Al-Shabaab oo Makhribkii lagu toogtay deegaanka Garasbaaley, kadib markii uu dilay hal askari.

Afhayeenka ayaa sheegay in dilkaas uu dhacay intii lagu howlanaa afurka, wuxuuna ninka askariga dilay duubaayey muuqaal muujinaya sida uu u dhacaayo dilka askariga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Dhagarqabaha wuxuu watay kaamirad uu ku cadeynaayo askariga sooman ee uu dilay, sidoo kale wuxuu ku hadlaayey taleefoon, waana lagu hagaayey dilka askarigaas,” ayuu yiri Korneyl Cabdifitaax Aadan.

Goobta uu afhayeenku ku qabtay shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay meydka dhagarqabaha la toogtay ee ka tirsanaa Al-Shabaab iyo kaamiradii uu ku duubay askariga uu dilay oo ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada.

“Waxaan uga digeynaa dhalinta Soomaaliyeed ee loo adeegsanayo inay dadka sooman dilaan xiligaan fadliga badan ee lagu guda jira bishaan barakeysa, waa idiin furan tahay gacanteena ee ka waantooba waxaas diin maahane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka booliska Soomaaliya.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Heliwaa oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka cayrisay wakiilkii Midowga Afrika Francisco Madeira

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka cayrisay wakiilkii Midowga Afrika Francisco Madeira

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In