Ciidanka NISA ayaa ku guuleysta in la soo afjaro howl gal saacado qaatay kaddib markii koox hubeysan oo ka tirsan argagixisda Al-Shabaab ay galeen Hotelka Naasa Hablood 1 ee ku yaal Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.
Inta aysan gelin Hotelka ayaa kooxdi UGUS ka tirsaneyd waxa ay toogteen haween ku ganacsanayay afaafka hore ee Ho,telka iyadoo gaari wax yabaha qarxa laga soo buuxiyay la eegtay ilinka hore ee Hotelka Naasa Hablood kaa oo gestay qasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobta ayaa waxa durba gaaray gaadiidka gurmadka deg daga iyo kuwa dabdamiska ah iyo ciidmao ka tirsan dowlada inta uu howlgalka socday ayaa waxa ay toogten ciidanka maleshiyaadkii UGUS ee ka dagalamayay gudaha Hotelka, iyadoo ay ciidamada ku guuleysteen inay soo badbadiyaan tiro dad ah oo gudaha hotelka ku xanibnaa.
Dadka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka ayaa waxaa ka mid ah labo dhaqtar oo uu kamid yahy Dr Ducaale Aadan Shahiid.
Afhayeenka Wasaradda amniga Cabdikaamil Shukri oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA ay gudaha hotelka u galeen, halkaasi oo ay ku dileen saddex ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ee gudaha hotelka ku jira.
Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 11 qof oo shacab ah oo ay ku jiran labo dhaqtar.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda aanay marnaba isku dhiibi doonin argagixisada.
Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa ee ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.
“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen dadkii soomanaa ee galabta ay argagixisada ku laayeen Hoteelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidammada Qalabka Sida ay sii wadi doonaan ugaarsiga iyo hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.
“Waxaa weerarkani ay kooxaha naf la caariga ah la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan ay muujinayaan guuldarrooyinka isdaba-joogga ah ee ku habsadey. Waxaa nasiib wanaag ah in shacabka, dowladda iyo ciidammada amniga ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dagaalka lagula jiro cadowga. Waxaana weeraradan waxashnimo ee argagixisada ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu cabsi geliyo shacabka si aanay u taageerin dowladnimada iyo nabadda’’.
Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay ciidanka dowladda sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixiso ee galabta dhacay.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ilaahay uga baryey dadkii ku shahiiday weerarkan inuu Ilaahay naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantey uu caafimaad buuxa siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.