Wararka aan ka heleyno Deegaanka Baladul-amiin ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda oo garab ka heleya saaxiibada taaeera ayaa weerar ku qaadeen deegaankaas.
Ciidamada Kumaandooska Dowladda ayaa la sheegay inay labo Diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar dhanka dhulka ay ku qaaday Saldhigyada Maleeshiyaadka Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi.
Sarakiil katirsan kuwo howlgalka fuliyey ayaa sheegay in u jeedku ahaa sidii loo burburin lahaa xarumaha Maleeshiyaadka Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baladul-amiin.
Wali waxaan si-rasmi ah loo geyn qasaaraha weerarkaas ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka xalay uu ahaa mid xoogan.