Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada qalabka sida Ee Soomaaliya oo ku Guuleystay joojinta Colaad ka soo cusboonaatay Balanbal+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ciidamada qalabka sida Ee Soomaaliya oo ku Guuleystay joojinta Colaad ka soo cusboonaatay Balanbal+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Ciidamada Qalabka sida qaybahooda Kala duwan ee Qaybta 21-aad ee xoogga dalka iyo NISA oo uu hogaaminayo Abaanduulaha Qaybta G/Le Aadan siyaad Cabdi ayna wehlinayaan Taliyaha Guutada 15.aad ee Qaybta 21.aad Gen, Masxuud Maxamed Warsame, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Geelle Bayr ayaa maanta gaaray Deegaano hoos yimaada Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka Ciidamada Qaranka ay ugu baxeen deegaanadaasi hoos yimaada Degmada Balanballe ayaa ah baajinta dhiiga dadka Shacabka ah ee xoola dhaqatada ah oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay xiisado dhex maray ay ku dhinteen dad gaarayay ilaa sadex ruux waxaana dhaawacyo kala duwan ay ku gaareen tiro intaasi le’eg.

Saraakiisha Hogaaminaysa ciidamadan qalabka sida ayaa maanta kulan saacada qaatay la yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka #Oodaale, waxaana ay ku wargaliyeen in aan la ogolayn sii socoshada dilalka macna darada ah iyagoo la wadaagay oodayaasha in ciidamadu ay wadaan Hawlgallo lagu sugayo Amniga.

Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka #Oodaale ayaa soo dhaweeyay Ciidamada iyo Saraakiisha, waxana ay u sheegeen inay diyaar u yihiin in dawladu ay ka howl gasho deegaanka si xal loogu helo dilalka deegaanka ku soo laab laabtay, waxay a dhinacooda Balan qaadeen inay xoojinayaan Nabad galyada diyaarna u yihiin inay kala.shaqeeyaan suurta galinteeda Ciidamada,

Intaa kadib Ciidamada ayaa u soo Amba baxay deegaanka #XirsiLugeey si ay ay ola wadaagaan Qorshaca socda ee lagu xoojinayo Nabadgalyada, waxaana Galabta ay gaareen Degmada Balanballe oo ay Maamulka Degmada, Odayaasha iyo Qaybaha kala duwan ayay kula Kulmeen kuwaa oo isla Fahmey Howsha Ciidamadu halkaa u tageen ee Nabadeynta Deegaanka .

Ciidamada Qalabka sida oo Masuuliyad ka saaran tahay Badbaadinta Nafta iyo Hantida Shacabka soomaaliyeed ayaa Kaalin mug leh ka qaadanaya in la Baajiyo Dhiig dambe oo ku daata Deegaanadaasi insha allaah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Marka+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In