Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada qalabka sida Ee Soomaaliya oo ku Guuleystay joojinta Colaad ka soo cusboonaatay Balanbal+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ciidamada qalabka sida Ee Soomaaliya oo ku Guuleystay joojinta Colaad ka soo cusboonaatay Balanbal+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ciidamada Qalabka sida qaybahooda Kala duwan ee Qaybta 21-aad ee xoogga dalka iyo NISA oo uu hogaaminayo Abaanduulaha Qaybta G/Le Aadan siyaad Cabdi ayna wehlinayaan Taliyaha Guutada 15.aad ee Qaybta 21.aad Gen, Masxuud Maxamed Warsame, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Geelle Bayr ayaa maanta gaaray Deegaano hoos yimaada Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka Ciidamada Qaranka ay ugu baxeen deegaanadaasi hoos yimaada Degmada Balanballe ayaa ah baajinta dhiiga dadka Shacabka ah ee xoola dhaqatada ah oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay xiisado dhex maray ay ku dhinteen dad gaarayay ilaa sadex ruux waxaana dhaawacyo kala duwan ay ku gaareen tiro intaasi le’eg.

Saraakiisha Hogaaminaysa ciidamadan qalabka sida ayaa maanta kulan saacada qaatay la yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka #Oodaale, waxaana ay ku wargaliyeen in aan la ogolayn sii socoshada dilalka macna darada ah iyagoo la wadaagay oodayaasha in ciidamadu ay wadaan Hawlgallo lagu sugayo Amniga.

Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka #Oodaale ayaa soo dhaweeyay Ciidamada iyo Saraakiisha, waxana ay u sheegeen inay diyaar u yihiin in dawladu ay ka howl gasho deegaanka si xal loogu helo dilalka deegaanka ku soo laab laabtay, waxay a dhinacooda Balan qaadeen inay xoojinayaan Nabad galyada diyaarna u yihiin inay kala.shaqeeyaan suurta galinteeda Ciidamada,

Intaa kadib Ciidamada ayaa u soo Amba baxay deegaanka #XirsiLugeey si ay ay ola wadaagaan Qorshaca socda ee lagu xoojinayo Nabadgalyada, waxaana Galabta ay gaareen Degmada Balanballe oo ay Maamulka Degmada, Odayaasha iyo Qaybaha kala duwan ayay kula Kulmeen kuwaa oo isla Fahmey Howsha Ciidamadu halkaa u tageen ee Nabadeynta Deegaanka .

Ciidamada Qalabka sida oo Masuuliyad ka saaran tahay Badbaadinta Nafta iyo Hantida Shacabka soomaaliyeed ayaa Kaalin mug leh ka qaadanaya in la Baajiyo Dhiig dambe oo ku daata Deegaanadaasi insha allaah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Marka+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In