Howlgallo amniga lagu sugayo oo bishaan barakeysan ee Ramadaan ka bilaawday deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo lagu soo qab-qabtay dad lagu tuhmayo ineey ka tirsan yihiin maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab.
Saraakiisha Ciidanka ammaanka 21-aad ee Xoogga dalka iyo kuwa dowlada Goboleedka Galmudug oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xusay in dhamaan degmooyinka D\G Galmudug ay ka socdaan, howlgallo looga hortagayo weerarada iyo falalka guracan ee bulshada ay ugeystaan maleeshiyaadka nabad diidka Alshabaab.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in ay sii wedi doonaan howlgallada argagixisada naflacaariga Alshabaab looga xureynayo deegaanada ay uga harsanyihiin dowlad Goboleedka Galmudug, iyagoo Shacabka deegaanadaas ugu baaqay iney meel uga soo wada jeestaan maleeshiyaadka gabalkoodu sii dhacayo ee Al-shabaab.
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si dardar leh ku wado howlgaladii ugu dambeeyay ee argagixisada Alshabaab looga sifeynayo guud ahaan Gobolada dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan arxan-laawayaasha laga xureeyay deegaano badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadka rayidka ah.